BREAKING NEWS: Skirkii Madasha oo Heshiis laga gaaray waqtiga ay dhacayso Doorashada

4 Aug 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Shirkii Madasha ee shalay uga furmay magaalada Muqdisho Madaxda Hogaamiyayaasha Qaran heshiis buuxa ay madaxdu uga gaareen Jadwalka doorashada oo ay ku Xardhantahay taariikhaha kala duwan ee Aqalka Hoose, Aqalka Sare iyo doorashooyinka Gudoonka iyo madaxweynaha goorta ay dhacayaan.

226-3

Warbaahinta Puntlandes oo isku taxalujisay inay akhristayaasheeda usoo gudbiso meesha uu marayo shirka Madasha ee Muqdisho ayaa ogaatay in Madaxda Hogaamiyayaasha Qaranku ay ku heshiiyeen qodoban Doorashada aadka muhiimka ugu ah ee soo socda:

Maalmaha doorashadu dhaceyso ee kala ah:

  • maalinka Aqalka Sare la dooranayo,
  • maalinka Aqalka hoose la dooranayo
  • maalinka la dhaarinayo labada Aqal
  • maalinka Gudoonka Baarlamaanka la dooranayo
  • maalinka madaxweynaha la dooranayo.

Warbaahinta Puntlandes oo isku dayday inay taariikha ogaato ayeysan u suurto gelin laakiin waxay Warbaahinta Puntlandes ogaatay inaysan dhaafi kartin 5 Novemver 2016 ugu dambayn oo ay soo afjarmayso maalinkaas.

Skirkan oo muhiim u ahaa doorashada Soomaaliya ayaa waxaan ka qayb galaya madaxda DFS ee madaxweynaha Xasan Sheekh, Raysul wasaaraha Cumar iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Madaxweynayaasha Puntland Dr Cabdiwali, KGS Shariif Xasan, Juband Axmed Madoob, kusimaha madaxweynaha Galmudug Maxamed Xaashi.

Wixii kusoo dhordha Shirka Madasha ee Muqdisho ka socda kala soco Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author