Canshuuraha qaar ka mid ah iyo Dakhliga Dowlada Puntland

130

 

Canshuur waxaa bixiya Muwaadin wadan oo ay khasab tahay in uu bixiyo. Waxaana qaada dowlad taasoo ku fulisa Canshuurta adeegyada ay u baahan yihiin Muwaadiniinta dalkaas, sida amniga, waxbarashada, caafimaadka, arimaha horumarinta deganaanshaha iyo kal dambaynta iwm. Puntland si loo helo isku dheelitirnaan dhaqaale waa in reer Puntland bixiyaan Canshuuraha laga doonayo in ay bixiyaan iyagoo aan hada ka bixin 15% wixii laga rabay. Dowladuna waa in ay Canshuurta ku bixisaa meeshii loogu talagalay aysana gelin jeeb qofeed ama aan loo isticmaalin si khaldan. Waana in dowladu wax walba banaanka soo dhigtaa si loo aamino.

Waxaa hubanti ah maanta in la qaado Canshuuro ama Khidmado aad u badan laakiin aan soo galin gacanta dowlada taasoo loo baahan yahay in la joojiyo dadkana wax loogu qabto.

Dowlada Puntland waxaa igu maqaalo ah iyadoo aysan jirin la xisaabtan dhab ah in ay soo gasho 3 miljan bishii. Taaso sanadkii ah miisaaniyad dhan 36 miljan oo doolar kaliya. War sidee dal dhan loogu wadikaraa Dakhli intaa le’eg suurtogal maaha taasi waana in aynu dhamaanteen ka shaqaynaa sidii loo kordhin lahaa Dakhliga dowlada. Somaliland oo jaarkeen ah waxay maanta 13 ka sebtember shaacisay miisaaniyada sanadka 2015 taasoo ah 231 500 000 doolar. Waxay ka badan tahay Miisaaniyada Puntland 643%

Waxaa kale oo jirta in ay Dowlada Puntland sheegtay in Dakhliga soo gala 70% uu ku baxo amniga, una dhiganta sanadkii 25 200 000 doolar. Oo maxaaba soo haray waa 30% oo u dhiganta 10 800 000 doolar!!

Si Puntland horumar u gaarto waa in aynu kordhinaa Dakhliga dowlada inagoo kula shaqaynayna dowlada waana in ay dowlada abuurtaa xaalad horumarineen iyadoo kala siinaysa muhiim ku qotonta baahida wadanka.Waxaan soo jeedin lahaa sidan in priority loo kal siiyo

  1. Amniga iyo kala dambaynta
  2. Waxbarashada
  3. Degaanka oo la daboqabto: inta hartayna la ilaaliyo intii la xaalufiyeyna dib u soo celinteeda laga shaqeeyo
  4. Wax soo saarka Beeraha, Kaluumaysiga, Warshadaynta, iwm
  5. Caafimaadka

 

Si ay dowladu waajibaadkaa u gudato dalkana uu horumar u gaaro waa in aynu bixinaa Canshuurta. Canshuurta haddii aynu bixinwayno ogaada meelna ma hiigsan karno

Waxaa jira canshuuro kala duwan oo ay bixiyaan dad kala duwan. Waxaan halkan ku soo gudbinaynaa intii aan ka gaarno canshuuraha kala duwan ee ka jira wadamada reer Galbeedka. Anagoo uga dan leh in aynu wax ka barano wixii naga anfacana ka qaadano. Waxay kuu noqon kartaa muwaadin ahaan ogaansho aad ogaatay in aysan dowladi ay ku jirto dadkeeda ayna u kala lacag badan tahay sida dadkeedu uu dhaqaalihiisu yahay.

 

 

Canshuurta Mushahaarka

Canshuurtan oo laga qaadayo lacag ama mushahaar aad ku heshay shaqo aad qabatay waxay rabto ha ahaatee tusaale ahaan Mushahaar, Hawlgabnimada lacagta lagu helo iwm. Canshuutani waa mid aad muhiim u ah in qof walba oo shaqeeya laga qaado canshuur taasoo badankeeda ay degmooyinku ku maamulaan adeegyada ay dadka u hayaan. Haddii ay Puntland dhaqan geliso waxaa ka soo xaroon lahaa Dakhli fiican. Waxaana laga qaadayaa qof kasta oo mushahaar soo galo meeshuu doono ha ka soo galee. Waxay koow u baahan tahay in la tirokooba lana diiwaan geliyo dadka ka shaqeeya private sector ama public sector. Dhamaantoodna laga qaado Canshuur boqoleey ah tusaale ahaan 20% iyadoo loo kala dabnaanayo sida loo kala Mushahaar badan yahay. Dadka damyarta ah oo waratada ah oo halkaas qutulyoonkooda ka soo saarta waxaa iyaga laga qaadikaraa khidman maalinle ah ama bile ah. Waxaa kaloo Canshuur ama khidmad la saarikaraa lacagaha la soo Xawilo ee banaanka laga soo diro.

Canshuurta Guryaha iyo Khidmada Guryaha

Canshuurtay waxaa laga qaadayaa dadka leh guryaha. Waxaa laga qaadayaa dadka leh boosaska Khidmad. Iyana dadka ama boosaska iibsanaya ama guryaha iibsanaya waxaa laga qaadayaa Khidmad.

value-added tax (Sales Tax)

Waa Canshuur laga qaado wax kasta oo la gadayo ama ha ahaato shay Product ama Service ah. Canshuurtani waxay ku jirtaa qiimaha shaygaas la gadayo iyadoo marka la gado loo xaraynayo dowladu intii ay lahayd taasoo ku cad boonada wax lagu kala gatay. Badanaa Canshuurtani waa 25%, 12% iyo hadba sida ay dowladaasi u soo soorto, iyadoo ku salaynaysa qaybaha kala duwan ee walxaha la gadayo iyo sida la rabo in loo dhiirigeliyo.

Tusaale ahaan haddii uu suuqa yaal shay canshuurta dadban ee saaran ay tahay 25% shaygaasna uu qiimaha mulkiiluhu ku gadayaayi yahay 80 shilin. Wuxuu noqonayaa qiimaha suuqa ee shaygaasi 100 shilin iyadoo uu mulkiiluhu leeyahay 80kiisii 20ka la saarayna ay dowladu leedahay.

Canshuurtani aad ayey dakhliga dowlada u kordhin lahayd haddi si sax ah iyo boqolay sax ah la saaro. Bishii julay ayey dowlada puntland meelmarisay laakiin faafaahin ma hayo ku saabsan waxa laga qaadayo iyo boqolaydeedaba.

Canshuur shay gooni qusaysa excise tax

Canshuurtan shayga goonida qusaysa oo marka shaygaa la gadayo la saaro sida Qaadka, Sigaarka, Shidaalka, korontada iwm. Canshuurtani waxay ka horeysaa inta aan tan dadban/ value-added tax/ Sales Tax la saarin.

Tusaale ahaan

Litir Baasiin: wuxuu mulkiiluhu gadayaa 6,10 shilin. Canshuurta goonida ah waxay noqonaysaa 88% 5,37 shilin. Isugayn waa 11,34 shilin. Kadib waxaa la saarayaa tii Canshuurtii dadbanayd Sales Tax 25% oo ah 2,84 shlin. Isugayn wuxuu gatuhu bixinayaa litirkii Beaasiin ah 14,18 shilin.

Canshuurtan goonida u saarmaysa shay gooni ah waxay dowladu u isticmaalaan labo waxyaalood.

  1. In ay lacag ku soo gasho Qasnada dowlada
  2. in ay ku dhiman isticmaalka shaygaas ama saamayn kale ku yeeshaan

Dowlada Puntland waxay ay ku soo rogi kartaa Canshuurtan Qaadka iyo Sigaarka oo aan wax faa’iido ah u lahayn dadkeena. Waxay kaloo ku soo rogi kartaa Shidaalka maxaa yeelay hawada dadka waa ay ka dhaxaysaa dowladuna dadka iyadaa u dhaxaysa marka ninka baabuur wataa hawada ayuu wasakhaynayaa, kaan wadanina waa isticmaalayaa hawada oo ku neefsanayaa. Marka waa in uu bixiyaa kan baabuurka wataa xoogaa magdhow ah oo ay dowladu ka qaado. Waxaa kaloo loo adeegsan karaa siyaasad sare loogu qaado wax soo saarka dalka iyadoo la dhimayo in aynu ku noolaano Baasto iyo bariid aan dalkeena ka soo bixin.

Khidmada shacabka laga qaado iyo faa’iido faa’iido

Shirkad kasta ama qof kasta oo loo shaqeeyo waxay bixiyaan canshuur boqoleey ah oo ku salaysan mushahaarka shaqeeyaha. Shirkad kasta ama qof kastaahi oo macaash sameeya wuxuu bixiyaa Canshuur faa’iido faa’iido ah.

Cantuurtan dowlada puntland waxay ku isticmaali kartaa in shirkada faa’iidada badana hela aana bixin canshuur ku soo rogto lana xisaabtan sida shirkadaha:

Xawilaada, konontada, Telefonada iwm

Khidmaha wax dhoofinta iyo soo dejinta

Ayroboorada iyo Dekadaha waxaa iyana laga aadaa khidmad boqoleey ah oo ku salaysan hadba siyaasada dhaqaalaha ee dowladaa. Iyadoo Khidmadu ay ku badan tahay waxa soo degaya haddii aysan daruuri ahayn, kuna yar tahay waxa dhoofaya si loo dhiiri geliyo in wax badan dalka ka dhoofaan. Puntland waa tan ugu roon oo ay dowladu qaado. Waxayna u baahan tahay in fiiro gaar ah loo lahaado waxa soo degaya iyadoo la dhiiri gelinayo waxyaalaha aynu dibada u dhoofino.

Khidmadaha kale

Dawladi waxyaalo badan ayey khidmad saartaa sida warqadaha lahaanshaha, ruqsadaha Ganacsiga, warqada wadida Gaawaarida, marka dadku soo degayaan ama dhoofayaan, Baabuurta, Ruqsada Guryo dhisida iwm

Puntland Khidmadahan dakhli badan ayey ka soo xareen kartaa.

 

Puntlandes.com

About The Author