Daawo Vidideo-Sawirro: Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda oo sheegay in Shaqada Dekedda Bosaso oo la laba Jibaaray
4 Aug 2016 (Puntlandes) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ee Dekeda Bosaso ayaa sheegay in shaqadii kastamka Cashuuraha ee dekeda Bosaso laga dhigay 24 Saac si loogu fududeeyo ganacsatada iyo bulshadda reer puntland inay alaabooyinkooda ay kala degaan dekeda bosaso.
Shirkan jaraa’id oo uu wasiirka ku weheliyay Maamule k/xigeenka dekeda Bosaso Dhagaxtuur ayay sheegeen in shaqo kordhinta kastamka Dekeda ay ka dabmaysay ka dib markii Maraakiib tiro badan iyo doonyo is biirsaday oo ay dib u dhigeen dabaylihii dhacayay xiliga xagaagu ay ku soo wajahayihiin, qaybtooda ay ku xiran yihiin dekeda bosaso.
Maamule Kuxigeenka Dekeda oo ugu horrayn hadlay ayaa sheegay in shaqadii kastamka ay gaarsiiyeen ilaa 10 habeenimo si ay ugu adeegaan Ganacsatadda, waxaana uu sheegay in maraakiibtii marka hore ku degi jirtay 5 maalmood, hadda ay ku degaan labo maalmood oo qura.