Daawo Video: Ganacsiga baaxadda leh ee sida ay reer Bay iyo Bakool ugu noolyihiin iyo ganacsiga baaxadda leh ee ay ku lee yihiin Puntland (Beentii iyo Gefkii Jawaari…)

Garowe (Pes)  Maalinkii shalay ee bishu ahayd 13 ka sebtember ayaa waxaa banaanka u soo baxday video laga duubay Jawaar Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo waxgarad reer Batdhabo u sheegaya in Puntland maanta laga soo wacay dhibaato baaxad lehna lagu hayo dadka ka soo jeeda Bay iyo Bakool iyagoo laga dhigay wax shabaqle lagu guro iyo wax u carara  Xaafada Baraxleey. Waxay ku noqotay reer Puntland yaab iyo amakaag waxa ka soo yeeray Jawaari ee gafka ku ah  shacabka nabada iyo samaha jecel ee Puntland. Wuxuu Gefkani abuuray  hadal hayn xoogan oo shacabka Puntland hadal hayaan Gefkan uu gaystay Jawaari.

Ganacsatada Digil iyo Mirifle ee Puntland ku sugan ayaa cadeeyay inaysan wax dhibaato ah kala kulmin shacabka Puntland ayna ku kalsooni qabaan xili kasta inay Puntland kusii shaqaystaan.

Daawo Muuqaalkan hoose oo dheeho heerka iyo kobaca uu marayo Ganacsiga reer Bay iyo Bakool ee Caasumadda Puntland.

Ma jirto hadal kasoo baxay dowlada Puntland laakiin waxaa la filayaa in ay wakhti dhow ka hadasho dowlada Puntland, dhankoodana Ganacsatada Bay iyo Bakool dareenkooda ka dhiibtaan hadalkii Jawaari.

Waxaa xusid mudan in uu Facebookiisa kusoo qoray qoraal kooban oo uu ku sheegayo Jawaari inuu u gefay Puntland wasiirka Deegaanka Guuleed Saalax Barre.

 

Puntlandes.com

About The Author