Dhagayso: Dawladda Puntland oo ka jawaab raqiis ah ka bixisay sidii caadada u ahayd Hadalkii Jawaari ee Gefka ahaa

130

Garoowe (Pes): Wasiirka Warfaafinta Puntland C/Weli Xirsi Cabdulle ayaa sheegtay inay Puntland ka xun tahay hadalkii kasoo yeeray gudoomiyaha barlamaanka DFS Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari kaas oo maalin kahor sheegay kaas sheegay in shacabka ,ka soo jeeda gobolada Bay iyo Bakool lagu dhibaateeyo deegaannada Puntland.
Wasiirka ayaa hadalkiisa waxaa ka mid ahaa ”dad reer Puntland ah baa dhibsaday hadalka Gudoomiyaha anigu waxaan leeyayah ha dhibsanina hadalka Gudoomiyaha”
Wuxuu intaa ku daray Wasiirku ”waxaa dhici karta in uu Gudoomiyahu dhiirigelin ka waday ah war wax samaysta”

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/Weli Xirsi Cabdulle ayaa ku hadlay sidii caadada u ahaan jirtay taasoo ah in uu jawaabo iska daaye in uu u Gefo dadka uu mas’uulka u yahay. Waxaa lagu xusuustaa Wasiirka mar uu yiri ”waan argagaxnay” isaga oo ka jawaabayey booqashadii uu Laasqoray oo Puntland ah ku tagay madaxweyne Siilaanyo.

Iyana waxaa ka hadlay hadalka Jawaari Shacabka ka soo jeeda Deeganada Bay iyo Bakool ayaa iyana hadlkii Gudomiyaha barlamaanka DFS raali galin ka bixiyay iyagoo Sheegay in ay wax dhibaata kala kulmin intii ay daganaayeen deeganada Puntland ayna ku haystaan ganacsi aad u baaxad wayn.

Halkan ka Dhagayso Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland

 

Puntlandes

 

About The Author