Hoobiyaal Xalay lugu weerarray xaafadaha magaalada Baydhabo

6 Aug 2016 (Puntlandes) Madfaciic ayaa Xalay lugu weerarray xaafadda ka tirsan magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

229-7d3

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicdan ay ku dhaceen xaafado u dhow garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.

Illaa iyo iminka waxaa la xaqiijiyay dhimashada hal ruux oo la sheegay inay ahayd haweeney,taasoo ku dhimatay madaaficda xalay ku dhacday qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo,saddex ruux oo kalana waxaa la sheegay inay dhaawacmeen.

Saraakiisha Booliska magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaafiicdan ay badankood ku dhaceen xaafada Wadajir, laakiin warbaahinta Baydhabo ayaa baahisay in madaafiic dhowr ah ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha Baydhabo oo saldhig u ah Ccidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya, lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Puntlandes.com

About The Author