Sawirro: Gudoomiyaha Degmada Galkacyo Tumay oo Kormeer Nadaafadeed Sameeyay
6 Aug 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Dagmada Gaalkacyo Maxamuud Yasiin Axmed ayaa waxaa uu u kuurgalid ku sameeyey shalay sida ay tahay xaaladda danaafadda dagmada Gaalkacyo, isaga oo hubinaya ida ay usocoto shaqadii loo xilsaartay Shirkadda Nadaafadda Caafi, oo ay horay Dowladda hoose ugu xilsaaratay Nadaafadda magaaladda Gaalkacyo.
Gudoomiyaha ayaa war bixin ka dhagaystay Madaxda shirkadda Caafi, oo uu wax ka waydiiyey hanaanka nadaafadda Magaaladda, waxaana ay uga war bixinyeen wax u qabsoomay iyo caqabada haysta.
Madaxda ayaa aad uga cabanaaya in ay magaaladda kusoo badanayaan, gaadiid yar yar oo aan awoodin in ay gaarsiin yaan qashinka meeshii loo asteeyey oo magaaladda ka fog, taas oo sababtay in ay Qashinka dhigaan daafaha magaaladda, Qabrida Kor kooda iyo jidkii loo mari lahaa godkii qashinka lagu shubi jiray.
Gudoomiyaha oo intaasba soo arkaya ayaa markii uu kusoo laabtay xafiiskii waxaa uu lahadlay saxaafadda waxaana uu ka war bixiyey wixii uu soo arkay, isaga oo amray in ay xafiiska dagmada yimadaan dhamaan gaadiidka yar yar ee Qashinka ka qaada magaaladda.
Gudoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, Qabridii kor korkooda Qashin lagu shubo, waxaa kale oo uu cadeeyey in ay samayn doonaanqorshe yaal ay uga hortagayaan in ay arintaani soo laabato.
Puntlandes.com