Dhagayso: Ganacsatada Digil iyo Mirifle ee Gaalkacyo oo beeniyay Gefkii Jawaari, kana hadlay Barwaaqada ay ku haystaan Puntland

Gaalkacyo (Pes): Iyadoo ay shalay banaanka u soo baxday video muujinaya Gudoomiyaha barrlaamnka DFS Jawaari oo Aflagaado iyo Gef wayn u gaystay shacabka nabada jecel ee Puntland ayaa maanta qaar ka mid ah Ganacsatada Digil iyo Mirifle ee Gobolka Mudug beeniyeen Aflagaadii Jawaari uu shalay u gaystay Dowlada iyo shacabka reer Puntland.

 

‘’Waxaan ka imi Afgooye,waxaan ahay Digil 25-sano ayaan Gaalkacyo jooga,maanta Guryo ayaan ku leeyahay,wax dhib ah ma arag,Ilmo ayaan ku dhalay,wax dhib ah ma arag’’Sidaa waxa yiri Siidow.

Kuma koobna oo kaliya Rag,ee waxaa jira Dumar kaso jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo Ganacsi iyo Guryo ku leh Puntland,kuwaasi oo la yaabay Aflagaadadii Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya.

 

‘’Waxaan ka imi Hiiraan,waxaan ka dhashay Digil iyo Mirifle,waxaan ku noolahay Mudug,Gobolka waxaan daganay 18-sano aad ayay Puntland noogu soo dhowaysay,Guriga aan taaganahay annigaa iska leh,Shalay Barakace ayaan ahaa,maanta deegaan ayaan ahay,dadka dhahaya Puntland ayaa Digil iyo Mirifle lagu Guumaystaa been ayuu sheegay’’Ayuu yiri Cabdullaahi Faarax Karaama.

 

Reer Puntland ayaa iska daa in loo abaakgudee abaalkii ay galeena,waxaana taas badalkeeda loogu badalay Aflagaado iyo hadalo aan Mas’uuliyad ku dhisnayn.

 

Hoos Ka Dhagayso ganacsada Digil iyo Mirifle ee gaalkacyo

Puntlandes.com

 

About The Author