Dhagayso: Guddoomiyaha Gobolka Mudug:’’Jawaari ha barto Puntland,Soomaali uma baahna Hogaamiye Cadaawaad dhexdhiga,Cuqdad beera,dadkana kala dila.

Gaalkacyo (Pes): ‘’Dadka Digil iyo Mirifle Deegaan ayay ku leeyihiin Puntland,Xuquuq bay ku leeyihiin,Guryaan siinay,Dhul baan siinay,waa ka Ganacsadaan,waa Arday waa Macalimiin,Guddiyada Maamulka ayay ku jiraan,Ciidamada ayay ku jiraan,adiga waxaan ku leenahay Puntland baro’ ’sidaas waxa yiri Guddoomiyaha Gobolka Mudug.mar uu u jawaabayey Gefkii uu Jawaari u gaystay Shacab nabada jecel ee Puntland

.

Waxaa isna ka hadlay Gefkii Jawaari Guddoomiye ku xigeenka magaalada Gaalkacyo Yacquub Maxamed Cabdala oo sheegay in Jawaari ay Maradu ka dhacday,ka dib Aflagaadii shalay u u gaystay dadweynaha iyo Dowlada Puntland.

 

‘’Guddoomiye hadalkaa Dharka ayaad isaga booraysay,waxaan ugu baaqayaa Guddoomiyaha Boorka uu ismariyay inuu iska jafo,dadkaa Goboladaa kaso jeeda Bay iyo Bakool ee haysta Hantida,Guryaha,Nabada iyo Barwaaqada,dhaqaalaha dadka halkaan dagan ee ku dhashay ayay ku haystaan,hadalka Guddoomiyaha Meeqaanka Soomaali uu ka joogo iyo Da’diisa hadal le’eg ma aha’’Ayuu yiri.

 

Guddoomiye ku xigeenka magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu soo qaaday dhaqaalaha Puntland kaga baxay umada Soomaaliyeed tusaale ahaan shirarkii dib u heshiisiinta wuxuu yiri ‘’…Dhaqaalaha Puntland uga baxa Soomaalinimada,haddii isku tashan lahayd oo 16-kii sano ee tagay dhaqaalaha ka baxay ay wax ku qabsan lahayd guul ayay ku gaari lahayd’’.

 

Hoos Ka Dhagayso Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo ku xigeenka duqa Gaalkacyo

Puntlandes.com
 

About The Author