Dhagayso: ”Puntland oo la doonaya in sadex qaybood loo jarjaro i” Aqoonyahan C/Daahir Maxamed Yeey

185

130

Minnesota (Pes): Musharaxii maxadtinimada Puntland  C/Daahir Maxamed Yuusuf Yeey ayaa waraysi uu siiyay Daljir waxaa uu ku caddeeyay xanuunka ay ku hayso dhulka wali ka maqan gacanta Puntland iyo weerarada is xig-xiga ee Somaliland ay ku hayso dhulka Puntland.

 

Aqoonyahay C/daahir wuxuu carabka ku adkeeyey in ay nasiib-daro tahay illaa xilligaan aysan muuqan saan-saan iyo ficil ama mowfiq cad oo Puntland ka leedahay gobollada maqan.

“Wixii siyaasad ah iyo wadaxaajood waa arrin wanaagsan, balse weerarada Somaliland ay ku hayso dhulka Puntland uma baahna in shir lala sugo ama hadal loogu jawaabo, waa arrin mudan ficil toos ah, isku haynta dadka iyo difaaca Puntland-na waa waajibaad dawladeed iyo waajibaad shacab oo uu qeexayo Dastuurka dawladda Puntland” Sidaasi waxaa yiri Aqoonyahay Yay.

Docda kale – Md. C/daahir Maxamed Yuusuf Yeey waxaa uu ka hadlay qorshaha beesha caalamka iyo IGAD ee ku aadan maamul u samaynta Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay jirto in Puntland loo qaybinayo 3 qaybood, isagoo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri.

“Sida igu maqaalo ah qorshuhu waxaa uu yahay in Puntland loo kala jaro 3 qaybood oo kale ah gobolka Mudug iyo Galgaduud oo la israacinayo, Gobollada Sool, SSC oo la is raacinayo, Iyo Puntland inteeda kale, waa arrin u baahan in dhab loo baaro oo Puntland ka gasho u diyaar-garow.

Aqoonyahay C/daahir wuxuu kaloo ka digay in Puntland maanta ay marayso xaalad aad u xun cadowgeeduna uu doonayo in uu burburiyo ama jarjaro. Wuxuuna intaa ku daray in loo baahan yahay in dowlada Puntland hurdada ka toosto iyadoo loo baahan yahay in la difaaco masiirka Puntland lagana talo galiyo talada shacabka laga talo galiyo maadaama ay tahay masiir ummadeed.

 

Halkan ka dhagayso Aqoonyahay C/Daahir Yeey

Puntlandes.com

About The Author