Gudoomiyaha Barlamaanku wuxuu danbi ka galay Soomaali oo idil, maxaa yeelay waxaa u codeeyey wakiiladii matelayey bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, taasi waa mid. Mida kale, wuxuu danbi ka galay astaantii Qaranimo oo uu ku metalayey kursiga uu ku fadhiyo.

Sida aynu oganahayna caalamka xorta ah shaqsi mustawahaan jooga hadduu waxaas oo kale ku hadlo waxaa ugu hor  jawaaba amaba ka codsada inuu iscasilo xiktadiisa, taageerayaashiisa, amaba xisbigiisa. Balse, waxaa mooddaa 24 sano oo fadhi ku dirir ah inuu shacabkeena dhaqan rogmay, oo waxaad aragtaa dad badan oo uu ku jiro wasiirka Puntland indha guran oo cudur daar u sameeyey Jawaari. Indha guran wuxuu yiri “waxaa laga yaabaa in guduumiyaha uu ula jeeday guubaabin uu reerkiisa ku guubaabinayo inay midoobaan oo kala qo-qobka ka baxaan, balse, ee ay sheekada halkaa la martay”.

Waxaa ayaan daro ah macaankii Puntaland ee uu Jawaari ku laqanyooday in wasiirkii Puntland uu malab ku dabiibo. Taas waxaan ula jeedaa, haddii Puntland ay jawaabeyso waa inay si cilmiyeysan u jawaabtaa, ee maaha inay sidii danbiile isdifaacaya ay uga jawaabto hadalada iyo ficilada dagaal huriyayaasha ku magacaaban xilalkii u sareeyey ee qaranka. Waxay ahayd jawaabteenu inay noqoto mid Jawaari oo kaliya maahee, Villa Wardhiiglay iyo inta ku xeeran mid difaac gelisa.

Maxaa yeelay tani waxay ka turjumaysaa dhaqanka weli ku xeeran Villa Wardhiiglay, waa waxa Xasan Xaad iyo Xasan Culusow ku sheekaystaan markaan Camera-da aysan shidnayn dad reerkooda ka baxsanah aysan la joogin.

Waxaase la yaab leh, maxay ku dhacday anagoo haysana madax Muqdisho muddo ka soo shaqeysay sida Madaxweynaha iyo Gudoomiya Barlamaanka Puntland in haddana loo ilduufo dhidirada afduubay himiladii shacabka Soomaaliyeed ee dowlada u ooman. Waa su’aasha qurah ee madexayga daalinaysa oo aan jeclaan lahaa inay madaxdaas shacabkooda la wadaagaan.

Waxaanu ognahay, in caqliga noocan ah uusan xamar ka suulin oo aad arkayso habka la isugu diray shacabka Jubooyinka ku nool, kuwa shabeelada hoose ku nool, kuwa Jowhar ku nool,  iyokuwa Kaxda-Hiiraan ku nool. Waxaad arkaysaa habka ay Madoobe Nuunow dabada uga riixeen iyagoo isticmaalaya luqado aan ka fogeen kuwa Jawaari. Waxaad arkaysaa shaqo guriga ay u direen Cabdi Qeybdiid oo weli u ooman dagaal qabiil. Markale sida ay u shaqo galiyeen Dr. Galayr oo uu haddana madaxweynaha u aqoonsaday asagoo leh waxay haystaan labo gobo tasoo kaafisa shuruudii dastuurka.

Haddaba su’aalaha isweydiinta mudan waxay tahay, maxay arkaan labadaan mas’uul ee Puntland ugu sareysa oo aynaan anagu ka arag kuwa magaca Soomaaliya xambaarsan oo haddana heeryadooda cunayah? Maxay ku base-gareysan tahay rajada ee ka qabaan in Villa Wardhiiglay ay munaafiqnimo dayn karto Soomaalina isu soo dumi karto? Hadii beeshii caalamka ee nimankaan inoo soo dhoodhoobtay ay ku aamini weysay lacagihii ay yaboohday, sidee baa Soomaalida ugu aamini kartaa masiirkeeda ummadeed iyo mustaqbalka wadankooda? Waxaan markhaati ka nahay in Xildhibaan Faysal “AUN” lagu dilay Villa Wardhiiglay Dhexdeeda loona dilay shaacinta fikirkiisa xorta ah. Sidoo kale waxaan markhaati ka nahay in Madaxweyne Xasan uu laab kiciyey Marwadii Gen. Max’ed Abshir una balanqaaday soo dhicinta gurigoodii Muqdisho iyo nabadgelyadeeda.

Haddii xildhibaankii intaasoo checkpoint soo dhaafay markuu galaayey aqalka madaxweynaha uu gaarigiisa ku qarxay markuu ka soo bixi rabay aqalka madaxweynaha. Oo haddana, marwadii Gen. M.A. Haamaan wuxuu ka balanqaaday oofinteeda daayoo nafsateedii lagu aamini kari waayo, Caqligee baa nimankaan wax ka weyn intaas oo saameyn ku yeelan kara Soomaali oo idil loogu aamini karaa?

Gunaanad, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee kala duwan kuna hadla magaca gobolada in raga dowladaan ku jira ha ahaato sharci dajinta, xeer ilaalinta, ama hay’ada fulinta ay u aqoonsadaan rag aan Soomaali matali karin, diyaarna u ah inay Soomaali isku diraan si ay jeebabkooda uga buuxsadaan luflufka ka soo gaara qaniimada Soomaaliya ee uu caalamka u soo shaqo tagay.

Waxaan si gaar ah uga codsanayaa madaxda sare ee Puntland inay geed dheer iyo mid gaabanba u koraan ka hortaga dhibka lagu maleegayo Villa Wardhiiglay. Sida ugu haboon ee lagu gaari karo maqabo inay tahay in uu caalamka dhexdhexaadiyo PL iyo Villa Wardhiiglay, maxaa yeelay haddii taasi dhacdo waxaa dhidirada u shirqooshay gobolada aan lahayn awood ay shuruud noocaas oo kale ah ku xiraan Villa Wardhiiglay.

Waxaa muuqata in Villa Wardhiiglay ay badda kula gorgortameyso Kenya sidii Jubba loo hooskeeni lahaa. Sidaa awgeed, waxay ila tahay in Villa Wardhiiglay aqoonsiga dowladnimo lagala noqdo, caalamkana loo soo bandhigo xadgudubyada ee kula kaceen, dastuurka, territory-ga Puntland, iyo isku dirka qabaa’ilada Soomaaliyeed.
Haddii saa lagu sii dhowrto tan iyo inta laga gaarayo 2016 waxay ila tahay in aan kuwaan dal iyo dad toona loogu imaan doonin.
Wabilaah Towfiiq

By: Ahmed Yusuf Ahmed

Xigasho: dunidaonline.com

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author