Madaxweyne Axmed Madoobe oo Shirkii Kismaayo oo Furaya Goordhow

Shirwaynaha dib u heshiisiinta ee Dowlada Jubaland ayaa goor dhawayd ka furmay Xaruntii Ceymiska ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa subaxnimadii saaka wuxuu gacmo furan kusoo dhaweryey Wafuuda furitaanka shirka ka qayb galaysay oo ah ka mid ahaa yeen Wakiilka IGAD ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Xasan Culusoow.

Madaxweynaha Jubaland ayaa la filayaa inuu khudbad dheer uu ka jeediyo shirka tasoo uu sida aan xogta ku helney uu uga hadli doono dadaalka ay xukuumadiisu ugu jirto nabadeynta iyo dhameystirka Dowlada Jubaland iyo waliba halganka ay xukuumafiisu ugu jirto xoreynta Deegaanada wali gacanta ugu jira kooxaha Argagixisada.

Dhanka kale waxaa shirka diiday Korneyl Bare Hiiraale oo sheegey inuu ka baxay heshiiskii Goobweyn, isagoo sheegey in heshiiskaas lagu khiyaaney.

 

Faahfaahin kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author