Baarlamaanka Soomaaliyeed waa Marjaca iyo hooyada He’adaha Qaranka!

ALLOW UR U BIXI!

Labadii todobaad ee ugu dambeysay qaranka Soomaaliyeed wuxuu la il daran yahay EBOLA siyaasadeed, jaah wareer Dastuuri ah, loollan awoodeed iyo ifafaale is-riix-riix aan dalka iyo dalkiisaba dan u aheyn! Waxa bannaanka yaalla hardan iyo qab, dhanba, dhanka kale ku taamayo inuu ku muquuniyo! Waxaad mooddaa, in laga tagayo, waxa la Isku haayo wax ka weyn, ka mudan, kana nuxur sarreeya, waxa fadhiid ah adeegyadii bulshada, Waxaan muuqan u danqasho kuwa abaaraha iyo colaadaha la dhalbar jaban ee kuweennii ay ka dhur sugayeen Isku mashquulnay halkii aan u gargaaristooda iyo u adeegiddooda aan ku mashquuli laheyn!

188

Sawirka AMINARTS,, qoraaga kama imaan sawirkan waxaa raaciyey Horseed Media

Is qabqabsiganu wuxuu dalka galin karaa dib u dhac, amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshadeed! Bal aan isla eegno qodobbada hoos ku qoran oo mashruucan nuxurka yaru, sida tooska ah u wareemayo:

1.- Waxaa la galay Sanand-siyaasadeed kii saddexaad oo ay aheyd in caqli, Cilmi, awood iyo dadaal wixii la karo ay aheyd in lagu xaqiijiyo, dhammeystirka shuruucda lagama maarmaanka u ah, Hirgalinta Axsaabta siyasadeed, calaamadeynta xuduudaha dowlad Goboleedyada, arrimaha Feederaaleynta, guddiga Doorashooyinka iyo shuruucda kale ee horseedaya in la tiigsado yoolka 2016;

2.- Ciidammada Qaranku waxay galeen howl gallo lagu xoreynayo dalka, ummaddana loogu furayo waddooyinka ay KHAWAARIJTA naxariis lawayaasha ahi ka xireen, waxaana la rabaa in guulaha ay gaareen la sugo, loona dhigo aasaas adag;

3.- Waxa la dilay hoggaamiyihii KHAWAARIJTA, waxayna aheyd in fursaddaas sida ay tahay looga faa’ideysto, waqti iyo juhdina la galiyo Sidii aysan fursad ku heli laheyn, dib isu abaabulid.

Qodobadaas iyo kuwo kale oo aan ka ahmiyad yareyn ayey aheyd in Hey’adaha Qaranku si iskaashi iyo xilkasnimo leh Waqtigooda u galiyaan; Haddase maxaa yaal:

  1. a) Is abaabulid iyo isu habar wacasho;
    b) Is kooxeysi iyo is gaad -gaad;
    C) is dhaleeceyn, miciyo sifeysasho iyo arrimo kale oo aan qoraal furan ku habbooneyn.

Haddaba, sow hadda xaalku marimaayo, “NINKII LAHOW DOONO”, taas waxaan ula jeedaa, inuu Golaha Shacabku kaalintiisa qaato, cayaarana dowrkiisa. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, “BALAAYO MADAX LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE DABO LA QABTO MA LAHA”, haddii aan sida ugu dhaqsaha badan, ugu hufan, uguna xilkasnimoda badan uusan Golaha Shacabku fidnada socota u afjarin, Shacabka Soomaaliyeed quus ayuu ka istaagi doonaa inteenna Eebbe u dhiibay masiirkooda, taariikh madowna Waan qori doonnaa!

Aan ku soo xooriyop, inaan ugu baaqo in Hey’adaha Qaranka ee is hiifaya ay ogaadaan, inaysan laheyn ayagu waxa ay ku loollamayaan, waxa dabka saaranna ay yihiin, masiirkii, ummad aysan dhibaato kale u noqon, silic iyo seefna soo daashadeen!

Golaha Shacabka, haddii ay Hey’aadkaasu wada fariisan waayaan, is xallinwaayaan, murqahooda iyo Waqtigoodana u weecin waayaan meesha mudan, miyirna la kabban waayaan ama qurqurin waayaan, culeysku wuxuu ka meel dayanayaa Baarlamaanka oo ah sida aan cinwaan hoosaadka maqaalkan ku soo tibaaxay”MARJACA IYO HOOYADA HEY’ADAHA QARANKA”, lana ogaandoonee, siduu u dhaqmo: ” SHARCI AMA SHOWR IYO SHUHUBO!

 

W/Q:Xildhibaan Gen. Bashiir 

Daabacaad: Puntlandes.com

About The Author