Daawo Video: Dowlada Kenya iyo siday u sheeganayso Bada Somalia

130

Kenya ayaa qorshaynaysay sanadihii u dambeeyey in ay boobto dhulbadeed baaxad leh oo ay Somalia leedahay iyadoo ka  faa’iidaysanaysa dowlad dhexe la’aanta Somalia ka jirta.

Dhowr jeer oo hore ayey isku dayday Kenya in ay xalaalaysato ama sharciyeysato dhulbadeedkaas Somalia laakiin uma suurtoobin

57

Waqtigan xaadirka mar ay uga dhowdahay in ay dhacdo Kenya dhulka Somalia ma jirto maxaa yeelay waxaa u sahlaya madaxweynihii loo igmaday in uu difaaco, waa maxadweyne Xasan Culusoow.

Marka koowaad wuxuu UN ta ka xareeyey calaamadin xuduudbadeedka Somalia iyadoo cid la og aysan jirin marka laga reebo Dalka Norway oo heshiis kula galay Kenya in uu shidaal ka baarato bada Somalia iyadoo loo sharciyeynayo Kenya.

Marka labaadna wuxuu ka xareeyey maxkamada UN ta in ay go’aan ka soo saarto xadbadeedka labada dal waa Somalia iyo kenya iyadoo hada laga war sugayo maxkamadaas iyo wixii ay xukunto.

Video gaan hoose Kenya waxay ku sheeganaysaa been cad oo ah in iyada la dhacayo, waa yaabe ma Somalia maanta wax dhici karta in ayada la dhaco maahee, yaase ka rumaysan. Hadalada Kenya maalmahan marinaysay saxaafada waxaa laga leeyahay ujeedooyin badan…

Halkan ka daawo videoga

Puntlandes.com

About The Author