Jillaabashada Aargoosatada oo laga mamnuucay Puntland

197

130

Garowe (Pes)  Dowlada Puntland ayaa soo saartay go’aan ay ku joojisay jilaabashada Aargoosata xeebaha Puntland. Go’aankaas ayaa waxaa ka hor yimid Kalluumaysatada oo sheegay inay caqabad way ku tahay arrintaan, maadama ay ka xamaashaan Aargoosata.

Wasiiru dowlaha wasaradda Kalluumaysiga iyo khayradka badda dowladda Puntland Cabdiraxmaan Kulmiye ayaa sheegay amarkan looga joojiyey kalluumaysatada reer Puntland jilaabashda Aargoosata inay tahay mid lagu yaraynayo sida sharci darada ah oo looga kalluumaysto xeebaha iyo hoos ku dhac ku yimi tiradda aargoosatadda Puntland.

Wasiir Kulmiye ayaa  u digay Kalluumaysatadda Shisheeya ee sida sharci daradda ah uga qaraabta xeebaha Puntland, kuwaasoo caqabad ku noqday Kalluumaysatihii Soomalida ahaa, balse go’aankan ayay u arkeen mid dhaawac ku ah nolashooda oo ku tiirsan aargoosatada.

Docda kale madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa mar sii horaysay isagoo ku sugan magalada Bosaso ku dhawaaqay inay tahay masiibo qaran gumaadka lagu hayo xeebaha Puntland. Iyadoo dhinaca kale dowlada ayaa heshiisyo aan dadka loo soo bandhigin la gashay Shirkado Baddeeba ka kaluumaysta iyo wadamo iyaguna ka  kaluumaysta oo ay ka mid yihiin Jabuuti iyo Yemen.

Joojisay jilaabashada Aargoosata xeebaha Puntland ayaa aqoonyahanadu la meel dhigayaan mamnuucidii hada ka hor ay mamnuuceen Golaha wasiirada Puntland in la soo dajiyo ama lagu dhx wato Puntland gawaarida Shukaanta midigta ku leh. Taasoo noqotay mid aan shaqayn aana la aqoon meel ay ku dambaysay

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author