Xog: Dagaalkii Shidaalka ee Dawlada Villa Wardhiigleey oo Xoogaystay

130

Wasaarada Dawlada Villa Wardhiigleey u qaabilsan arimaha Shidaalka iyo Macdanta ayaa waxay soo saartay warsaxaafadeed ku taariikhaysnaa 7-8 agoosto 2014, kaasoo ay kaga hadashay shir ay kula qaadatay Wasaarada Arimaha Dibadda maraykanka iyo Shirkadaha waawayn ee Shidaalka baara. Waxaana ka mid ahaa sirkadahaas BP,Chevron, ConocoPhillips iyo ExxonMobil. Shirkan oo waqtigii uu socday shirkii Afrika iyo USA kaasoo uu hogaaminayey Qolyaha Villa Wardhiigleey Xasan Culusoow.

Waxay ku sheegatay warsaxaafadeedka dowlada Villa Wardhiigleey in ay ku wargelisay USA in wali heshiiskii Dowladii hore ee Somalia  ee Siyaad bare uu shaqaynayo ayna ka codsadeen in ay ku soo noqdaan dalka oo ay ula jeedaan Puntland iyo Somalinad.

Warsaxaafadeedka waxaa lagu qoray in ay ku heshiiyeen Dawlada Villa Wardhiigleey ee Culusoow iyo USA in si dhaw u wado shaqeeyaan. Waxay kaloo kooxda xasan balanqaaday in soo saaridoonto Xeerkii maalgashiga iyo Shidaalka.

Waxaa kaloo warsaxaafadeedka lagu yir in Shirkadaha shidaalku ay u aqoonsadeen in Wasaarada Shidaalka ee kooxda Xasan ay u matasho Somalia (before 1991) ayna cidkale heshiis geli karin. Cajiiib war bal day.

107

Ugu dambayntii Wasiirka Xasan Culusoow ayaa Wasaarada Arimaha Dibada Maraykanka iyo Shirkadaha waawayn ee shidaalka kala hadlay Shirkado yar-yar oo heshiis sharcdaro ah la galay dad aan wax matalin taasoo ,(Puntland iyo Somaliland), dab ku sii hurinaysa colaadii jirtay , degaankana halaynaysa, cadaawad qabiibhurinaysa (clan hostilities  iyo ugu dambayn waxay wax u dhimaysaa Xoriyada dalka(undermining the Sovereignty of the country, hoos ka doowo sawir.

193

Waxaa xusid mudan in Soomaaliyi ku heshiisay in marka dowladaha Federaalka ka mid ah ay dhismaan, in ay ku heshiiyaan dowladaha  xubnaha ka ah sida wax loo qaysanayo. Inta ka horaysa ma  jiro Sharciyad ay haysato Dowlada Villa Wardhiigleey.  Marka waxaa iswaydiin mudan xagee bay kooxda Culusoow ee Villa Wardhiigleey ka keentay sharciyada ay isticmaalayso? Ma cirka? Mise mid ay bedeleen?

Sideedaba dowaladi waxay wax ku socodsiisaa labo aaladood oo kal ah a) shrciyad iyo B) awood dowladeed, Bal aan iswaydiinee ma haysataa kooxda Xasan Culusoowee Villa Wardhiigleey.

Waxaa dad badan oo aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah iswaydiinayaan waxa ay la aamusan tahay dowlada Puntland ee Dr Gaas hogaamiyo. Villa Wardhiigleey way ku tumatay sharcigii ummadda Somaliyed ku hesiisay, waxayna ka dhigtay wax ay bedasho iyo wax ay ku tumato. Waxayna ku haysaa Puntland dagaal dhan wal ah, ma Shidaal baaris baa? Ma waxbarashaa? Ma jagooyinkii dowladaa? Ma maal gashi Puntland la maal gashtaa? Ma deeqihii magaca Somali lagu soo qaadaa? Lama soo koobi karo. Waxaas oo dhan waxaa kasii daran iyadoo Xasan Culusoow iyo kooxdiisu ay qorsheyeen in ay u qaybiyaan Puntland sadex qaybood

  1. Gobolka Mudug oo laga jaro Puntland
  2. Gobolada Sool iyo Sanaag oo iyana laga jaro Puntland
  3. Waxaa Puntland loogu yeerayaa ama ay u aqoonsatay dowlada Villa Wardhiigleey ee Culusoow hogaamiyo Gobolada Nugaal iyo Bari oo kaliya

Su’aashu ay dad badan iswaydiinayaan waxay tahay aaway dowladii loo igmaday 08-01-2014 in ay hogaamiso Puntland ilaalisana danaha dadka iyo dalka Puntland taasoo hada u muuqata meel dowlada Villa Wardhiigleey ee Xasan Culusoow maamulato.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedkii PDF
DFS Xasan Culusoow, warsaxaafadeed arimaha Shidaalka

Ama sawiro ka eeg hoos

198

199

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

 

About The Author