Xog: Doorashadii Sweden iyo Wacdaraha Somalida Gothenburg ka dhigeen

130

Göteborg (Pes). Waxaa ka dhacday dalka Sweden axadii lasoo dhaafay 14 kii sebtember, doorasho ayna ku tartamayeen 9 xisbi. Somali farabadan ayaa sanadkaan isu soo taagtay doorashadan, Puntlandes ayaa waxay si gooni ah u eegaysaa magaalada Gothenburg Caasimada labaad  ee dalka Sweden. Xisbiga Shaqaalaha ayaa waxaa iska soo sharaxay wiil lagu magacaabo Mohamud salad iyo iyo gabar la yiraahdi Saida Hussein, iyagoo u tartamayey doorashada Baarlamaanka Sweden oo ka kooban 349 kursi.

209208

Waxaa aad farxad u leh dhamaan Somalida Sweden gaar ahaan somalida Gothenburg in Mohamud Salad oo liiska kaga jiray booska 16naad uu hada yahay qofka labaad ee ugu codadka badan (codka tooska loo siiyey mesharaxa) isaga oo haysta 2056 cod halka gabadha ka horaysa ay haysato 5971 cod halka kan ku xiga Mohamedna uu haysto  1551 cod.

Halkan meeshay liiska kaga jireen

211

 

Waxaa iyana kasii farxad badan in Saida Hussein ay iyana tahay qofka 5naad ee ugu cododka badan waxayna haysataa 1182 cod. Labo qof oo Somali ah ayaa kan labaad iyo kan 5naad noqday xisbiga ugu wayn dalka Sweden.

Doorashada ayaa ah in aad xisbi kaliya u codaysid ama adoo Xisbigana u codaynaya ayaad waxaan calaamadinaysaa qofkii aad rabto in aad u codayso. Sanadkan waxaa magaalada Gothenburg cod toos ah siiyey dadkii ay rabeen 79446 qof, halka xibiga Shaqaalaha oo ay Mohamud iyo Saida ka tirsan yihiin uu helay 19197 cod oo toos musharaxiinta u doortay. Haddii la isku daro Mohamud iyo Saida cododkay heleen waa  3238 oo u dhiganta 16,87% intii xisbigoodu helay.

Halkan ka eeg meeshay hada kaga jiraan liiska

 

203

Mohamud iyo Saida waxay leeyihiin jaanis aad u wanaagsan. Magaalada Gothenburg waxay leedahay 18 kusi/xildhibaan uga wakiil noqonaya Baarlamaanka Sweden. Doorashadii hore waxaa xisbiga Mohamud iyo Saida ka soo galay 5 xildhibaan sanadkana waxaa ka soo galaya 4 xildhibaan

212Mohamud Dayib

Waxaa kaloo xisbiga Degaanka iska soo sharaxay Somali lagu magacaabo  Mohamud Dayib oo isagu noqday qofka sadexaad helayna 481 cod, halka markii hore uu liiska kaga jiray qofka 13 naad.

Halkan ka eeg meesha uu liiska hada kaga jiro Mohamud Dayib

207

Bahda warbaahinta caalamiga ee Puntlandes waxay u hambalyeynaysaa Somalida Gothenburg waxayna leeda hablayo guushiina. Xataa haddii aad halxubin ah heshaan waxaad Somalida kale iyo Swedeish kaba awooda siyaasadeed oo aad leedihiin.

Waxaa hubaal ah in Somalida Sweden  ay hurdada ka kaceen kuna dayandoonaan reer Gothenburg doorashada dambana ay keenidoonto in ay awood soyaasadeed iyo qadarinba ka helidoonaan dalka Sweden.

Wixii war ah kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author