FAAHFAAHIN QARAXYADII XERO DAYAX & TALIYIHII CIIDANKA DAWLADA HOOSE EE GAALKACYO OO KU GEERYOODAY

21 Aug 2016 (Puntlandes)  Xero Dayax oo ah meesha ay dawlada Puntland ka dhisaysay Dukaano badan  oo iminka dadka loo dhisayey kana agdhow meesha ay ku taalo xarunta dawlada hoose ee Gaalkacyo ayaa waxaa saaka barqadii lagu weeraray laba weeraray labo Qarax oo aad u Xoog badnaa, kuwaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo Bur-bur hantiyeed.

230-3

Sida aad horay uga aragteen sawirradii iyo Muuqaladii ay warbaahinta Puntlandes idiin soo tabisay Qasaaraha burbur guryo ee ay sababeen Qaraxyadaas aad ayuu u wayn yahay.

Warbaahinta Puntlandes oo aad isugu hawshay inay idiin soo gudbiso Khasaaraha dhimasho iyo dhawaac ayaa iminka waxay heshay in ugu yaraan la hubo inay ku dhinteen Qraxayadaas 9 ruux halka uu dhaawacu yahay inta la hubo 20 qof.

Dadkaas 30 ka ku dhow oo dhimashada iyo dhaawaca isugu jira waa inta loo xaqiijiyey Warbaahinta Puntlandes waana ka badnaan karaa Khasaaruhu intaas.

Dadka ku dhintay Weerarkaas Qaraxyada loo adeegsaday ayaaa waxaa ka mid ah Taliyihii Ciidan Dawladda Hoose ee Galkacyo Khadar Dhuubane iyo kuxigeenkiisii Cabdinuur Seerar.

Wixii kusoo kordha wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author