(KHASAARAHA) FAAHFAAHIN DHEERAAD AH OO KU SAABSAN QARAXYADII XERO DAYAX EE GAALKACYO

21 Aug 2016 (Puntlandes)  Faahfaahin dheeraad ah oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes oo la xiriirta Qaraxyadii Saaka Barqadii ka dhacay Xero Dayax oo ah meesha ay dawlada Puntland ka dhisaysay Dukaano badan  oo iminka dadka loo dhisayey kana agdhow meesha ay ku taalo xarunta dawlada hoose ee Gaalkacyo ayaa waxay sheegaysaa in Qaraxyadu ay sadex ahaayeen.

230-3a5

Labo Qarax ayaa waxay ahaayeen Mataano oo midna gaari wayn yahay midna gawaarida yaryarka ah ee lagu tagsiiyeelo uu yahay, halka kan sadexaadna loo adeegsaday gaari NOAH ah kaasoo khasaaraha ugu badan gaystay.

Warbaahinta Puntlandes oo aad isugu hawshay inay idiin soo gudbiso Khasaaraha dhimasho iyo dhawaac ayaa iminka waxay heshay in Kharaarihii ka dhashay Weerarkaas uu aad uga kordhay intii aanu horay iidinku soo gudbinay.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Warbaahinta Puntlandes heshay ayaa sheegaya in ugu yaraan inla hubo ay ku dhinteen Qaraxayadaas 21 ruux halka uu dhaawacu uu kor u dhaafayo 40 qof.

Waxaa Warbaahinta Puntlandes loo Xaqiijiyey in 7 dhimasho ah la geeyey Isbitaalka Dhagacadde, halka Isbitaalka wayn ee Gobolkana la geeyey 14 ruux oo ku dhintay weerarkaas iyadoo isugayn noqonaysa 21 dhimasho.

Waxaa kaloo Warbaahinta Puntlandes ay ogaatay inay jiraan dad guryo ay ku dumeen oo wali aan la helin maydhkood ama dhaawacood, taasoo keeni karta in dhimashada iyo dhaawacuba ay kordhaan.

Dadka ku dhintay Weerarkaas Qaraxyada loo adeegsaday ayaaa waxaa ka mid ah AUN Taliyihii Ciidan Dawladda Hoose ee Galkacyo Khadar Dhuubane,  kuxigeenkiisii koowaad oo lagu naynaasayey Daroogo iyo kuxigeenkii labaad Cabdinuur Seerar.

Waxaa isna dhaawac aad u culus ah taliyihii saldhiga dhexe ee Gaalkacyo.

Waxaa isna la la’yahay oo guri ku dumay Agaasimihii maaliyada dawlada hoose ee Gaalkacyo.

 

Wixiii war ah ee ku soo kordho Weerarka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author