Ra’iisul wasaare Cumar oo Cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

21 Aug 2016 (Puntlandes)  Ra’iisul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weerar is-qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug ee Puntland, halkaas oo naftooda ay ku waayeen dad isugu jirey shacab iyo masuuliyiin maamulka gobolka.

217-8l

“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo, Waxaan leeyhay shacabka Gaalkacyo si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan dhagar-qabayaasha bartilmaameed sanaya shacabka iyo Madaxda”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaare Cumar wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii iyo nafwaayay weerarka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. “Dadka dhintay waxaan Eebbe uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo dadka dhaawaca ahna uu caafimaad deg deg ah siiyo,” ayuu raaciyay R/Wasaaraha.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska DFS Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa falka argagixisada ay ka fuliyeen Gaalkacyo ku tilmaamay mid wuxuushnimo ah, isla markaana Xukuumadda ay gacan ka geysan doonto sidii maamulada dalka looga gacan siin lahaa cirib tirka Al-Shabaab.

Puntlandes.com

About The Author