Akhri ajandaha Shirka Federaaldiidka: Ma sanaa Puntland u dambaysay oo Isbedelkii keenay?

130

Waxaa wax aad iyo aad looga naxo ah in maanta uu Caasimada Puntland ee Garowe ka furmo shir loogu yeerey kulan Cilmi baaris ah oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda Federaal diidka ee huwan magaca Hay’ada loogu yeero Heritage oo uu hogaansho Cabdi Ceynte.

216

Ajandaha kulanka la sheegey iney Reer Puntland ka doodayaan Federaalka halkan hooseka akhri

1–Nidaamkee Federaal ah ayaa Somalia u haboon?

2–Somalidu nidaamka Federaalka ma si cilmi ku dhisan ayey ku wadaan mise habqaldan, sida hada wax ku socdaan sidee u aragtaa? –

3– Hadii ay suura gali waydo in la qaato habka aad rabto, habkee ayaa kuugu soo xiga oo aad is-leedahay waa la qaadan karaa?

4– Hanaankee ayaad is-leedahay waa in laga fogaado, sababta sheeg?

5– Federaaleyntu ma waxaad is-leedahay Soomali ayaa riixeysa, mise awoodo kale oo dibada ah?  iyo kuwa la mid ah.

 

Hay’adaan oo ololaysa danta kooxda Xamar ayaa  ku caan ah ka been sheegid Cilmi baaris ay sheegaan in ay sameeyaan,iyagoo ujeedkooda ugu wayni ay yahay inay burburiyaan nidaamka Federaalka, waxaana ka dambeeya oo daaha gadaashiisa fadhiya kooxda Federaal-diidka ah.

 

” Waxaa ayaan daro ah Puntland oo aheyd hooyadii Federaalka Somalia in shacabkeeda la waydiiyo maanta su’aalahaan iyo kuwa lamid ah” sidaas waxaa yiri Cabdi Maxmud oo kamid ahaa dada haysta casumaada lagaga qayb galayo Bar-naamijkaas.

 

Kooxda ayaa wararku sheegayaan in laga soo eryey xarunta maamulka Somaliland ee Hargeysa, kadib markii dowlada wax ka ogaatey qorshaha Barnaamijkooda.

 

Wararka ku xeeran Barnaamijkan cilmi baaritsa ee hay’ada Heritage riixeyso ayaa sheegaya iney hordhac u yihiin qodobo la rabo in laga bedalo dastuurkii lagu heshiiyey iyadoo waa hore intiisii badnayd Dastuurka laga dhigay wax la bedalay iyo wax lagu tuntay. Waxay rabaan in ay hordhigaan guddiga dib-u-eegista ku sameynaya Dastuurka Federaalka kuwaasoo dhowaan la magaacbey iyagoo ku doodaya in ay dadka rabitaankiisii Federaaldiidnomo uu yahay, oo dadka Somaliyed aysan Federaal rabin.

 

Waxaa wax aad iyo aad ayaan daro u ah in dowladii Puntland loo igmaday dadkana ku maaweelinaysay kolna lahayd xiriirkii ma soo celin kolna lahayd waan u jaray in ay maanta raali uga tahay in ay Caasimadii Puntland ay riwaayadaas la yimaadaam kooxda Villa Wardhiigleey ee Xasan Culusoow.

Isbedelkii Puntland ka hanoqaaday 08 janaayo 2014 ee Dr Gaas hogaanka u hayey wuxuu keenay ayaandaran ah in Xasan Culusoow dhaho Gobolada Sool iyo Sanaag waa maamul gooni ah, Gobolka Mudug waan ka jaray Puntand hadana Garowe riwaayadan loola yimid oo maxaa haray oo la sugaa?

Puntlandes.com

About The Author