Yaab Dhagayso: Gaas oo fasaxay Cabdi Caynte iyo Federaaldiidkii oo Garowe shir ku qabsaday

130

Garowe (Pes): Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa wuxuu u fasaxey hay’adda cilmi baarista Heritage ee u dooda Faderaaldiidka iyo qabiilka Xamar ku habsaday in ay shacabka Puntland wax ka waydiiso qaabka nidaamka Federaalka ee dalka Somalia lagu dhaqayo iyo ay Somalia qaadato Federaal iyo in kale, Shirka ayaa saaka markii saacadu ahayd 11:00 subaxnimo waxaa ka furmey Hotel ku yaala bartamaha magaalada Garowe kulan dad gaaraya boqol qof kasoo qayb galeen. Waxaa la casumaamay dadka ku yimid qaab xulasho ah ayaa.

Dadka laga casumey skirkaan ayaa isugu jirey ganacsato, culumaa’udiin, xubno ka sacotey hay’adaha aan dowliga aheyn iyo dadka ka tirsan ururada bulshada kuwaasoo sida wararku aan ku helyno intooda badan dood kulul soo jeediyey.

Su’aalaha ayaa ku wajahnaa inta badan madaxda hay’adaan  waxaana ka mid ahaa, sababta keentey in shirkaan lagu qabto Caasimada Puntland ee Garowe iyadoo shaki la galinayo qaabka Federaalka Somalia madaama la ogyahay in shacabka Puntland horey u qaatey nidaamkaan 16 sano ka hor.

Dhinaca kale waxaa la waydiiyey Kooxda shirka wadatay in laga aaminsayahay iney yihiin koox ilaalisa danaha dad gaara ama qabiil gaar ah islamarkaana diidan in nidaamka Federaalka lagu dhaqo Somalia iyo su’aalo kale.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ee Somalia ayaa tan iyo inta uu qabtey xilka waxaa uu  dood galinayey nidaamka Federaalka Somalia ku dhaqanto taasoo ku cad Dastuurka isagoo dhinaca kale carabka ku adkeeya in shacabka Somalia loo baahanyahay iney doortaan qaabka nidaamka Federaalka ee la dhaqmi karo.

Cabdi Caynte oo madax u ah hay’adaan ayaa saaka soo gaarey magaalada Garowe kadib markii uu ka soo duuley Muqdisho inta uusan kulankaan furmin. Warbaahinta Radio Garowe/Garowe online oo la hadashey Cabdi Caynte ayaa wax ka waydiisay kulankaan ujeedooyinkiisa, cida u fasaxdey hay’dada cilmi baarista iney ku qabsato Garowe iyo aragtida dadweynaha ka aaminsan yihiin Heritage, waxaa uu ka qabo warisigana sidaan ayuu u dhacey.

Isbedelkii la doonayey ma in Puntland lagu burburiyuu noqday? Ma in cadawgeeda loo hiiliyoo Puntland laga hiiliyuu noqday? Ma in xasan Culusoow iyo kooxdiisu burburiyaan Puntland buu noqday? Ma in Shacabka Puntland maanta dhafoorada haystaan buu noqday? Ma in Gobolka Mudug Qalin lagu xaduu noqday? waa yaabe isbedelkii ka hanaqaaday Puntland ma saanuu noqday?

 

Halkan ka dhageyso

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

About The Author