Sawiro-Dhagayso: Ololaha Kooxda Federaaldiidku ka billowday Puntland

216

130

Garowe (Pes): Kooxda Federaaldiidka ah ee uu hogaaminayo Cabdiraxnaan Caynete oo uu soo wakiishay madaxweynaha Villa wardhiigleey Xasan Culusoow ayaa maanta Puntland ka bilaabay olole ka dhan ah Nidaamka Federaalka,waxana aad ula yaabay Bulshada ka qayb gashay Barnaamijka ay ugu yeeren Barashada Federaalka.

 

Guddoomiyaha Dalada Nabadaynta Puntland Xaliimo Maxamed Faarax oo la hadashay Puntlandi ayaa sheegtay in shirka looga doodayey qodobo aan meesha oolin oo ay ka mid yihiin:

 

1–Nidaamkee Federaal ah ayaa Somalia u haboon?

2–Somalidu nidaamka Federaalka ma si cilmi ku dhisan ayey ku wadaan mise habqaldan, sida hada wax ku socdaan sidee u aragtaa?

3– Hadii ay suura gali waydo in la qaato habka aad rabto, habkee ayaa kuugu soo xiga oo aad is-leedahay waa la qaadan karaa?

4– Hanaankee ayaad is-leedahay waa in laga fogaado, sababta sheeg?

5-Awooda Federaalka,ma Maamul Goboleedada ayaa loo badiyaa,mise Dowlada Dhexe.

 

Xaliimo Maxamed Faarax ayaa wax lala yaabo ku tilmaantay in Bulshada loo keeno Barnaamij ay uga doodayaan Nidaam Federaal ah,oo ay horay ugu heshiiyeen umada Soomaaliyeed,taasi oo guux badan ka dhexdhalisay shirka.

 

‘’Maxaa la qaadanayaa Federaal,waxaan u aragnaa in Federaalku uu dhisan yahay,ee hadda aysan oolin maxaa Federaal la qaata’’Ayay tiri Xaliimo.

Ajandayaasha shirka ayaa ah kuwo Liddi ku ah Nidaamka Dastuurka ah ee ay ku heshiiyeen Soomaaliya,waxaana Caynte iyo Kooxdiisu ay doonaysaa in si kale ay u dhigaan Federaalka,waxaana arrintan Daaha gadaashiisa ka taagan Kooxda Federaal diidka ah.

Nidaamka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed waa Federaal,awooda Dowlada Dhexe waa mid Sarifmaysa sida lagu heshiiyay,wxaana Dowlada Dhexe ay awood u yeelanaysaa oo kaliya;-

1-Maamulka Siyaasada Dibada.

2-Fududaynta Isusocodka dadka.

3-Tabababarada Ciidamada.

4-Iyo samaynta Lacagta.

 

Awoodaha kale ayaa Sarifmaya,waxaana Maamul kasta oo ka tirsan Federaalka uu u Madax bannaan yahay Arrimihiisa Masiiriga ah,sida ku qoran Dastuurka Soomaaliya ee rasmiga ah,laakiinse in Kooxda Federaal diidka ah ay maanta Garowe keenaan waxyaabo Liddi ku ah heshiiska umada Soomaaliyeed ayaa ah Xadgudud,ay la yaabeen Bulshadu

Maxay ugu fasaxday dowladii Puntland kooxdan faderaaldiidka ah mise Dr Gaas Villa Wardhiigleey mayaba ma oran karo?

 

Hoos Ka dhagayso Xaliimo Maxamed Faarax

 

Halkan ka daawo Sawirada
231

230

229

228

227

226

225

224

223

222

221

220

219

218

 

Puntlandes

About The Author