Akhris+dhagaysi Wareegto: Dowladda Puntland oo Mamnuucday qaadka dhulka kasoogala Xuduudeeda
Wareegto kasoo baxday Xafiiska kusimaha madaxweynaha dowladda Puntland Eng: C/xakiin Xaaji Cumar Camay, ayaa waxaa lagu mamnuucay dhamaan qaadka kasoo gala dhulka xuduudaha Puntland.
Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu fasaxay in ay qaadka lasoo dagi karaan, muwaadin kasta oo Puntlander ah, kaas oo doonaya in uu ka gabacsadoqaadka, iyaga oo xusay in qaadku uu ka dagi doono garoomada loo ogolyahay ilaa hadda ee Qardho iyo Gaalkacyo.
Wareegtada ayaa sidoo kale sicad u sheegaysa in Dowladdu la wareegi doonto gaadiidkii lagu qabto isaga oo qaad sharci darro ah soo galinaya xuduudaha Puntland, Sidookalana ay gubi doonto qaadka uu wado.
Madaxweynaha aayaa xeerkaan u xuskaday, kadib markii looga maarmi waayey amaanka, sidoo kalana ay muwaadiniin badani sheegeen in qaadku u xiran yahay dadagaar ah in ay keenaan Puntland.
Dhagayso Afhayeenka Dowladda Puntland oo akhrinaya wareegtada.
Akhriso waraaqda.
Puntlandes.com