Madaxweynaha Puntland oo marti qaad ka helay dowlada turkiga oo caawa u amba baxay halkaas

24 Aug 2106 (Puntlandes) Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Safar shaqo ugu sugnaa magaalada Addis Abba ee Caasimada dalka Itoobiya ayaa caawa u duulay dalka Turkiga, sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

229-9c

Madaxweyne Gaas ayaa marti qaad Rasmi ah ka helay dowlada Turkiga, isagoo halkaas kula kulmaya madaxda dalkaas ugu saraysa.

Safar Gaas ayaa waxa uu noqonayaa Safarkii u horeeyey ee uu marti qaad Rasmi ah ka helo dawlada Turkiga, isagoo kusoo aadaya Wadanka Soomaaliya oo madaxa la galay xili Xaxasaasi ah oo Doorasho la filayo inay dhawaan ka dhacdo dalka.

Dhanka kale Safarka Gaas ee Turkiga ayaa kusoo aadaya iyadoo Weerar loo adeegsaday Qaraxyo lagu qaaday magaalada Gaalakcyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaasoo dhaliyey Khasaaro badan oo Naf iyo maalba leh.

Puntlandes.com

About The Author