Daawo Barnaamij: Shirar Muhiim ah oo ay Guddiga Doorashooyinka Puntland & Guddiga Federaalka ka bilaabeen Garowe
25 Aug 2016 (Puntlandes) Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal ayaa waxay ka bilaabeen Garowe Shirar Muhiim ah oo la xiriira taabagelinta Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Soomaaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee Puntland Mudane Nabadoon Khaliif Aw-Cali Axmed oo khudbad dheer ka jediyey Tababar/Aqaan korsi shalay loo furay Odoyaasha Saxiixayaasha ah ee soo xulaya 51 da Ergo ee soo dooranayey ayaa ka hadlay Qaababkii ay soo martay geedisocodka Doorashayada Dadban ee dalka ka dhacaysa dhawaan.
Tababarkan oo socon doona muddo 2-3 cisho ah ayaa waxaa qayb ka ah Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal, Siciid Jaamac Qoorsheel oo ka mid ah Guddiga heer Feredaal ayaa waxa uu halkaas u Sharxay Odoyaasha waxyaalaha looga baahan yahay soo xulaysa Ergada Dooran doonta Xildhibaanada Aqalka Hoose.
Tababarkan ayaa waxaa goob joog ku ahaa Dhamaan Isimada ahaa Saxiixayaasha ahaa marka laga reebo Kuwo dhintay iyo kuwo Xanuunsan oo Wakiilo u joogeen goobta.
Puntlandes.com