Meydka AUN Janaraal Samatar oo laga soo dejiyay Muqdisho
25 Aug 2106 (Puntlandes) Maanta ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameyn doonaa AUN sareeyo guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Virginia ee dalka Mareykanka.
Cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin kooxda Bambayda ayaa sidoo kale garoonka duyuuradaha ee Aadan Cadde ku sugan.
Aaska sareeyo guud Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’isul wasaaraha iyo xubnaha labada gole ee dowladda Soomaaliya.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo waddooyinka qaar lagu arkayo ciidamo aad u feejigan oo sugaya amniga.
Puntlandes.com