Sawirro: AUN Marxuum Gen Samatar oo Muqdisho lagu aasay
25 Aug 2106 (Puntlandes) Allaha u naxariistee sareeyo guud Maxamed Cali Samatar oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, xilal kala duwana ka soo qabtay dowladdii milatariga Soomaaliya ee uu hogaaminayay sareeyo gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa maanta aas qaran loogu sameeyay dhismaha wasaaradda difaaca Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Aaska Janaraalka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sh Cismaan Jawaari, Raysul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Qaar kamid ah madaxweyneyaasha dowlad gobaleedyada ka dhisan dalka, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo dadweyne Soomaaliyeed.
Ka hor inta aan la aasin Janaraalka ayaa madaxda iyo dadweynaha ay salaad Janaaso ah kula tukadeen xarunta wasaaradda gaashaandhigga, halkaas oo marxuumka loogu duceeyay.
Puntlandes.com