Gaalkacyo: Gadaale oo lacagtii ugu Horaysay ugu deeqay Isbitaalka weyn ee Gobolka Mudug.

Waxaa maanta lacag lagaarsiiyey Isbitaalka Guud ee gobolka Mudug (MGH), lacagataas oo uu ku wareejiyey Maxamed Ciise Gaadaale, oo matalyey urur lagu magacaabo, Somalli Relief Network of North Amrica.

Lacagtaan ayaa noqonaysa taakuladii ugu horaysay ee soo gaarta isbitaalka. ibitaalka ayaa waxaa uu galay marxalad adag kadib bur burkii kasoo gaaray qarax ka dhacay dhabarka dambe ee isbitaalka kaas oo lala beegsaday Xarunta Dowladda hoose ee magaaladda Gaalkacyo.

Kulankii lacagtaan lagu wareejinayey ayaa waxaa kasoo qayb galay, Gudoomiyaha gobolka Mudug, Duqa dagmada Gaalkacyo, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda Puntland, agaasimaha Qurba joogta Puntland, gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug Maxamed Yusuf Tigay.

Lacagtaan ayaa waxa alagu wareejiyey Gudoomiyaha Gobolka Mudg oo kusii wareejiyey, Maamulka iyo dhaqaatiirta isbitaalkaweyn, waxaana dhamaan kasoo qabgalayaashii qayla dhaan u direen, dhamaan shacabka Soomaaliyeen, maadaama uu isbitaalku yahay isbitaal u adeega ummadda Soomaaliga ku hadasha.

SAWIRRO.

Gaadaale IMG_3945 IMG_3931 IMG_3928 IMG_3917 IMG_3910 IMG_3907 IMG_3882 IMG_3880

About The Author