BREAKING NEWS: Maqaayada Banaadir Beach oo ku taal Xeebta Liido oo la weeraray
25 Aug 2106 (Puntlandes) Babley hubeysan ayaa goor dhawayd weerar ku qaadeen Maqaayada Banaadir Beach oo ku taala Xeebta Liido, iyadoo rasaas culus la maqlayo iminka.
Weerarka ayaa ku bilowday Qarax ka dhacay nawaaxiga maqaayadaas, kadibna waxaa bilaabatay rasaas Culus oo la iswaydaarsanayo taasoo ka dhacay gudaha maqaayada Banaadir Beach.
Maqaayada Banaadir Beach ayaa ah goob ay ku caweeyaan dhalinyarada, waxaana habeenka jimcaha ay tahay meel mashquul badan oo ay isugu yimaadaan dhalinyaro aad u badan.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka, inkastoo la sheegayo in hareeraha maqaayada ay gaareen Ciidamada ammaanka sida Booliska iyo Nabadsugida.
Wixii kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes
Puntlandes .com