Puntland neey 30 kii bari dhamaaye, muxuu go’aanku noqon doona?

Bismilaahi Rahman Rahiim .

Arar.

Maqaalkan Wuxuu  Xasuusinayaa Dowlada Puntland Go’aankay Qaadatay 20.AUG.2014 Ee Ahaa Wadahalka Dowlada Fedraalku Inuu Furanyahay Mudo 30 Maalmood oo Kaliyah. Ma ahan Dhaliil mana ahan mid dowladeena iyo shacabkeenaba wax yeelaya .

Kadib Shirkii 3 Geesoodka Ahaa Ee Dowlada Puntland . Xilibaanada Dowlada Fedraalka U matalayey Puntland . Iyo Shacab Waynaha Puntland u Dhaxeeyey Waxaa la isla qaatay in loo qabto 30 maalmood oo albaabka wada hadalka furanyahay sida muuqata cid kasoo jawaabtay ma jirin .

Waxaa runtii aan Tilmaami karnaa inay jirtay hadalo guracan oo dhawaanahan kasoo yeeray dowlada villa Somalia oo dhegaha iyo maqalka shacabka puntland in badan dhibsadeen waana dayacaada dowladeena puntland ay ka aamustay . Waxaan ka tilmaami karaa . Arimaha  Heshiiskii Shidaalka Puntland – .

Maanta Waa 19-Sep Dowlada Puntland maxaa u diyaarsan maxayse ku wajahaysaa . Shacabka reer puntland ee guuxaya maxaa lagu qancinayaa . Maxayse dowladu uga jawaabaysaa su’aalahan .

1-Ma Dowlada Villa Somalia Baa Dhulka Lagu Wareejinayaa oo agaasimayaal soo diri doonta

2-Ma Dowlada Puntland Baa Ku Dhawaaqaysa Gooni Isku Taag .
3- Ma Caalamka Iyo Dowlaha Dariskaa Puntland Ku khasbaya Inaysan ka hadlin Hoosna tagto Villa Somalia.
4-Mise Markan Dowladu Shacabka Dal Udug Bay Wadiinaysaa oo U Codkoodu Shaqayn Doonaa.

Hadaba Shacabka Puntland Good Ahaantiis waxay maanta Qabaan Marka 20 Bisha la Gaari Dowladu Puntland haday Qaadan Qodobadan Inay Wajihi Kartoh Caro Shacab .

20-Sep Maalinta Sabtida Ah Hadaysan Dowladu Ku Dhawaaqin  Inuu Xirmay albaabkii Wada Hadalka. Waa Inay Dowladu Puntland Kala Doorataa 2 Qodob Midkood .

1- Inay Ku Dhawaaqdo Anaysan Dowlada Puntland La Macaamili Doonin Mudo 10 Sano Kadib Cod Shacabka Laga Qaadi Doono.

2- Inay Ku Dhawaaqdo Inay Shacabkeeda Codka Ka Qaadi Doonto Haday Ku Jiri Doonaan Somalia Iyo Haday Ka Baxayaan .

Waa Isku Gaynta Fikirka Shacab Waynaha Puntland oo Runtii Caan  ku Ah Somalinimada Balse Waayey Dadkii La Howlgali lahaa Iyadoonan Danbi ahayn Ceebna Ahayn Labo Walaala Ahna Ay Kala Guri Degi Karaan .

Waa Caalamad Su’aal Dul Taagan Dowlada Puntland .

Eng-Mohammed Farah
Email: Princemire@hotmail.com

Xigasho: dunidaonline.com

http://dunidaonline.com/index.php?id=13299

Daabacaadii: Puntlandes.com

 

About The Author