Dhagayso: Dood ku saabsan kulankii Federaaldiidka ee Garowe lagu qabtey

216

130

Garowe (Pes): Waxaa shalay lagu qabtay Caasimada dowlada Puntland ee garowe shir ay soo abaabuleen kooxda Xasan Culusoow ee Villa wardhiigleey oo looga soo horjeeday Federaalka.

Faadumo oo ka mid ahayd dadkii ka qayb galay shirkaas ayaa waxay tiri ”Waxaa wax lala yaabo ah in ay dowlada Puntland aqbashay shirkan oo ahaa Federaaldiid waxaa kaloo kasii yaab badnaa in aysan iman shirka cid matalaysa dowlada leefalkay doonto ha lahaatee oo aysan ka soo jeedin waxa ay Puntland rabto” iyadoo hadlkeeda sii wadata ayey tiri waxay soo saaridoonaan kooxdan in Puntland shacabkeedu ka soo horjeedaan Federaalka”

Waxaa la isku raacay in uu ahaa mid looga soo horjeedo Federaalka. Waxayna ahayd in aan Puntland lagu qaban.

Waxuu ahaa shirkan mid mugdi gelinaya Federaalka wuxuu kaloo ahaa mid shaki gelinaya jiritaanka Puntland.

 

Qof kasta oo reer Puntland waxay waxay ku wanaagsan tahay in uu dhagaysto doodan si uu u fahmo Qatarta ay Puntland ku hagayso dowlada hada jirtaa ee uu madaxda ka yahay dr Gaas.

 

Halkan ka dhagayso dooda uu diyaariyey Radio Garowe

Puntlandes.com

About The Author