“Fadeexad” Madaxtooyada Puntland oo jabsatay Warbaahin Rayid leeyahay‏

Maamulkii horre ee warbaahintii Puntlandfox ayaa warbixin dheer oo uu kasoo saarey sida uu isbedel ugu yimid siyaasadii horre ee ku shaqeyn jirey websitka iyo sababta ka danbeysay todobaadyo inuu hawada ka maqnaa , waxayna ku eedeyeen Madaxtooyada Puntland inay xeelad iyo xoog-ba u adeegsatey jabsiga warbaahin ay dad rayid ah iska lahaayeen islamarkaana ku eedeyey Madaxweynaha Puntland inuu qeyb ka ahaa kuwii falkan guracan ku dhaqaaqay.

Qoraalkan oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey warbaahinta Caalamiga ee Puntlandes ayaa looga sheekeeyey qaabka ay wax u dhaceen iyo halka ay ku danbeeyeen kooxdii Puntlandfox , waxaana uu u qornaa sidatan hoose ”
239

Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa si bareer ah u jabsaday boggii wararka iyo faallooyinka ee ahaa Puntlandfox kaas oo in la jabsado loo adeegsaday xoog iyo xeelad wixii ay lahaayeen kooxda Madaxtooyada oo ka shidaal qaadanaysa Madaxwayne Gaas oo isagu waayadii lasoo dhaafay dagaal xoog leh ku hayay boggaas wararka ee ahaa hanti gaar ah oo dad rayida lahaayeen.

Jabsiga boggaas oo u dhacay si burcadnimo ah ayaa loo adeegsaday ciidan iyo farsmo yaqaanno, waxaana la afduubay qofkii u qaabilsanaa qeybta IT-ga boggaas ee hayay Passwor-ka qeybta la yiraahdo CPanel-ka oo ay ku jirtey xogta bogga oo dhan.

Afduub  kadib, ayaa farsamo yaqaankii PFox waxa loo geeyay nin ku takhasusay cilmiga IT-ga oo kasoo jeeda beesha Reer Baraawe, hase ahaatee ay dhashay haweeney ay Cabdiweli Gaas ilma adeer yihiin kana yimid dalka Ingiriiska islamarkaana ah ruux ka shaqeeya Madaxtooyada.

Markii la afduubay kadib farsamo yaqaankii Puntlandfox waxaa lagu amray inuu xogta webkaas ku wareejiyo ninka ka yimi London taas oo loo adeegsaday ciidan iyo Jirdil Maadaama wiilka injineerku ahaa nin dhallinyaro ah oo da’ yar oo aan khibrad u lahayn ciidan iyo afduub midna waxayna taas kaliftey inuusan isku sii adkeyn wareejinta furayaasha muhiimka ee Websitkii Puntlandfox waxaana isla daqiiqadiiba goobta lagala wareegey oo ahayd Madaxtooyada Garowe lagu tirtirey macluumaadkii iyo xogtii ku kaydsanayd Puntlandfox.

Si kastaba, burcaddu markii ay gacanta ku dhigeen Puntlandfox ayay maalmo kadib hawada soo geliyeen iyagoo u adeegsanaya baahinta siyaasadaha gurracan iyo danaha gaarka ah ee madaxda haatan ka taliya Puntland ee salka ku haysa danaysiga gaarka ah ee aan ku dhisnayn rabitaanka dadka ku dhaqan Puntland.

Inkastoo ay taasi dhacday, haddana Puntlandfox ma noqon doono gablan, in website la jabsadana macnaheedu ma noqon doono in sidaas looga baxsan doono soo gudbinta xaqiiqda iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland.

Bahda Puntlandfox ma aha mucaarad iyo mu’ayid toona, waxana ujeeddadoodu ahayd oo keliya inuu dadwaynaha Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland usoo gudbiyo hab dhaqanka iyo siyaasadda maamulka iyo madaxda haatan ka taliya Puntland gaar ahaan arrimaha muhimka ah ee gobolka ka taagan.

Dhowr goor oo hore ayaa Puntlandfox waxaa weeraro kala duwan ku qaaday madaxda Puntland kuwaas oo siyaabo kala duwan isugu dayay inay horjoogsadaan boggaas oo shacbiyad badan ku leh gudaha iyo dibadda dalka.

Haatan waxaa kaalintii Puntlandfox buuxiyay webkan kale ee Puntlandnow.com oo halkii kasii wadi doona halgankii iyo hiigsiga ummadda Puntland kaas oo looga gol leeyahay iftiiminta siyaasadaha khaldan maamulka C/weli Gaas iyo maamulkiisa iyo wixii wanaag ah ee maamulku ku tallaabsado.

Ugu dambaystii madaxda sare ee Puntland waxaa looga fadhiyaa inay u hawlgalaan sidii ay gudan lahaayeen hawshii dadwaynuhu u igmaday oo aysan ku mashquulin dabagalka saxaafadda ka warranta arrimaha Puntland.

Waxaa Qoraalkan na soo gaarsiiyey Puntlandnow.com

Kala xiriir qoraalka: puntlandnow1@gmail.com

 

Puntlandes.com

 

About The Author