Mala joogaa xiligii ay Puntland noqon lahay jamhuuriyad madax banaan?

130

Xalay oo ay taarikhdu tahay 19 september waxaa ku eg waqtigii kama dambaysta ahayd ee loo siiyey fursad ay ku saxaan khaladaadka ay har iyo habeen la daba taagnaayeen madaxda Soomaalida koonfureed Puntland. Tan iyo sidii ay u burbudhay dawladii Soomaaliyeed, waxay puntland dawlad iyo shacabba u heelanaayeen in mar uun dib loo yagleelo oo markale dhidibada loo taago Soomaali midaysan. Taas badelkeeda waxa Puntland mutaysatay hagardaamooyin, xaasidnimo, curyaamin iyo in marwalba kuwa loo igmaday hogaaminta ummadii Soomaliyeed ay u adeegsadaan, awoodii iyo dhaqaalihii umadda in ay u isticmaalaan ku burburinta Puntland, kala qaybinta Puntland iyo dadkeeda iyo waliba in awoodii ummaddu u dhiibatay ay isku dayaan in ay Xamar ku koobaan.

Waxaa waligeed jiray qaar innaga inaga tirsan dhalasho ahaan oo uu marwalba hamigoodu yahay u hiilinta dibindaabyada Xamar ka ka socota.

Dad badan baa waxay is waydiinkaraan su’aasha ah adigu ma ka muwaadinsantahay kuwa Xamar la haysta oo dibindaabyada ku raaliga ah?

Jawaabtu waa haa. Sababtuna waa sidatan soo socota.

Waxay ku haystaan Xamar dan yar oo aan micna sidaas u wayn lahayn, qaarkood magac uun ah, sida xildhibaan (hadda ogow iyagoo sheeganaya xildhibaan bay hadan wadan kale degenyihiin oo laaji ku yihiin, tusaale kuwa dhooban Kenya). Qaar kale waxaa laga yaabaa in ay is tuseen sawir ah in maadaama magicii Soomaaliya uu aftuub ugu jiro Xamar in ay is tusaan in jago laga qabtaa ay ka mansab wanaagsantahay midda saxda ah ee uu dadkoodu u dhiibtay.  Marka waxay waxwalba u hurayaan sida ay ku heli lahaayeen jagooyinkaas bililiqada iyo aftuubka loo haysto. Kuwaas waxaa kamid ah, Jagooyinka kala gedisan ee dawlada Xamar, sida Madaxwayne, ra,iisul-wasaare, wasiiro iwm. Intaa waxaa dheer ururada kaladuwan ee magicii hore ee Soomaalia wali lagu haysto sida ururka olympic:ga  Soomaaliyeed i wm. Waxa keenaya in ay u arkaan in ay jagooyinkaasi ka mansab wanaagsanyihiin kuwooda saxda ah  waxaa weeye, iyadoo ay u sahlayso in ay ka qayb galaan fadhiyada caalamigaa oo markaa inta madax caalamka ka tirsan sawiro lala galo, lagu faano iyadoo la oranayo waagaan ra, iisul-wasaaraha ahaa, ama anoo wasiiraan la kulmay William Hague ama John Kerry iwm.  Qaar baa iyagu hawl kale u jooga oo ah in ay dhacaan, xoolaha sadaqada ah ee loogu talo galay danyarta iyo masaakiinta Soomaalida ah ee lagu keenay in daasado kor ka daloola la dhigo  dukaamada Europe iyo America hortooda si loogu rido shilimaanta baaqiga ah ee u soo hara dukaamaystayaasha beerka jilicsan ee shaashadaha ka daawada caruur Soomaaliyeed oo laftii iyo haragii isku dhegey macaluul darteed.

 

Hadaba dadyohow maxaa inala gudboon inteena muwaadiniinta ah?

 

Waxaa inala gudboon in aynu shuruud adag hor dhigno dawlada Puntland hadii maanta oo ah 20 september ay go’aan cad ka qaadan waydo Soomaalida koonfureed.  Waa in aynu innagu aayaheena ka tashanaa oo hadii ayan ku shaqaynayn rabitaanka shacaka Puntland oo ay u hanqaltaagayaan muuqaalada aan kor uga soo hadalay, waa in iyagana la raacshaa ileen Somaalaa hore ugu maahmaahdayé  qori iyo qiiqiisa waa la is la tuuraay.

Hadaynaan sidaas samayn waqti qaaliyi ahna waa inaga lumayaa ileen Soomalida koonfureed, biliqo waxaan ahayn oo u muuqdaa ma jiree, sida isku daygii guracnaa ee mudug ay la damceen iyo biliqooyinkii ka horeeyey sida hantididii ummadda ee Xamar taaley oo ay wali haystaan, qofkii reer puntland ah oo damca in uu hantidiisii u doontana xabadda ku tuujinayee, Sida  alaha u naxariistee Saado Cali, iyo marwadii Maxamed Abshir oo iyada uusan ilahay teedii ka dhigin, iyo boqolaal kale oo aan halakan lagu soo sheegi karine.

Hada ogaada hagardaamooyinkiina sidii si ka sii daran bay inoogu socon, ileen hadda waxaa meesha ka muuqanaysa in uusan qowlkeenu  ahyn mid wax kasoo qaad leh, ileen booto beenaalaa nalagu bartaye. Waxaynu mar walba ku hanjabnaa hadaan juqda nalaka daynin walee waxbaan samaynaynaa. Iyagoo aan juuqna noo oran, walina juqdii nagu sii wada ,bay hadana arkaan innagoo daba hab hab leh. Ileen waxay og yihiin in qaar inaga midihi aanay muwaadiniin ahayn (sababta aan kor ku soo xusnay awgeed).

Waxaynu wada sugnaaba waa Maana hadii alle idmo iyo waxa dhaca.

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author