Daawo: Hirgalinta go’aankii Puntland iyo Xaaladda Kantaroolada Gaalkacyo.
1 Sept 2016 (Puntlandes) Waxaan maanta xafiiska madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland kasoo baxaday, wareegto lagu xaqiijiyey in uu hirgalay amarkii Dowladda Puntland, ayna gaadiidka ka xiranyihiin dhamaan xuduudaha Puntland, Bixin iyo Galid intaba.
Afhayeenka dowladda Puntland ayaa saxaafadda u akhriyey, mar wax laga waydiidyey, nooca xuduud xirmeed ee ay dowladda Puntland Soorogtay, waxaa uu sheegay in ay joojiyeen Gaadiidkii ukala gooshayey, Puntland, Koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.
Waxaana uu digniin u diray Gadiid leeyda doonaya in ay kaleex leexdaan, shuruuca ay soosaarto dowladdu, isaga oo cadeeyey in ay maanta xuduudaha ka baxsan Gaalkacyo ee Hawdka ay taagan yihiin gaadiid ka leexday Gaalkacyo.
Daawo.
Xafiiska wararka
Puntlandes.com – Gaalkacyo