”Madaxweyne Xassan oo ka soo qaaday Xafladjoog shimbira heesaya” Ismail Aden Dirie

130

Qoraal uu qoray Ismail Adam Dirie uuna soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook ayuu wuxuu si qoto dheer uga hadlay 30kii cisho oo ay u qabatay xukuunmada Xafladjoog hogaamiyo Dr Gaas ee Puntland xukuumada Xasan Culusoow ee Villa Wardhiigleey wuxuuna ku bilyaabayaa ”Puntlnad oo ay ka dhamaatay bishii dawlada federalka ay u qabteen, iyo madaxweyne Xassan Sheekh oo ka soo qaaday Xafladjoog shimbira heesaya iyo dadwaynaha reer Puntland oo dhegta u taagaya waxa ka soo yeeri doono madaxweyne Gaas oo ku goodiyey hadii aan loo soo jawaabin mudo 30 cisho gudaheed in Puntland go’aan qaadan doonto, Waliba waxa uu raaciyey isagoo niyada ku haya sidii Turkiga u dhexdhexaadiyeen Somaliland iyo dawlada federal-ka ayuu shardi ka dhigay in beesha caalamka marqaati ka ahaato meesha ay ku heshiinayaan Puntland iyo federalka, waxay ahaataba sheekadaa ma dhicin”

Isagoo Ismail qoraalkiiisii sii wata ayaa wuxuu sharxayaa damaca Dr Gaas uu ka leeyahay doorashada Villa Xamar ee 2016  wuxuuna yiri ”DR Gaas oo ka shalaysan goodintaas maadaama Damujadiid iska daa inay goodintaas ka baqaane aad uga qoslayeen sida DR Gaas u maaweelinaya reer Puntland iyo sida ay ugu burureen marka uu akhrinayey gabayo nin adag tiriyey 100 sano ka hor, iyagoo reer Puntland moodayeen in Damajadiid uga argagaxi doonaan gabay uu waraaq ka akhrinayey (nin laguba xantay inay Damajadiid ka dhigeen madaxweynaha Puntland) si la mid ah sidii ay uga argagaxi jireen DR Faroole waxay ahaataba DR Gaas ayaan ka maarmin Muqdisho oo uu isu diyaarinayo inuu ka qaybgalo doorashooyinka ka dhici doono 20016”

Mudane Ismail Adam Dirie oo ka mid ah aqoonyahanada Puntland ayaa isagoo qoraalkiisa sii wata iftiimiyey sida uu Dr Gaas madaxweynaha Puntland (dowlada Xafladjood) u maslaxeeyey reer Muqdisho si uu u fahansiiyo in hadalkaas uu ahaa mid afku ka xaday ama uu rabay in uu ku maaweeliyo reer Puntland wuxuuna yiri Ismail ”DR Gaas ayaa bilaabay in uu maslaxeeyo reer Muqdisho isagoo ku casumay cilmi baarayaashooda si ay u baraan reer Puntland jacaylka centralism iyo mindimada umada (suuqa Bakaaraha)”

Mudane Ismail Adam Dirie oo si qotodheer u sharaxaya maslaxaynta Dr Gaas ee reer Muqdisho ayaa wuxuu yiri ”Ma anfacaysaa DR Gaas si uu u maslaxo reer Muqdisho oo ka shakiyey sida daacad uu ugu yahay Duusamareeb oo uu ku dhashay amaba deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo ee Mudug laga xukumo tan iyo intii la mideeyey Mudug iyo Galgaduud, mase anfacaysaa telfoonada ay DR Gaas is dhaafsadaan nabadoon Xaad iyo afhayeenkiisa isagoo ugu dhaarta inuu yahay muwaadin u daacad ah dalkiisa iyo dadkiisa, aysana u qaban madadaalada uu ku wado reer Puntland oo u waashay sinaan, cadaalad iyo in xukunka la baahiyo (federalism)”

Aqoonyahanada Ismail Adam Dirie oo soo noqday Agaasimaha Hay’ada madaxa banaan ee Daryeelka Bulshada Puntland ayaa wuxuu  qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey in uu ka hadlo in aysan raaligelinayn Viila Wardhiigleey sida uu Dr Gaas u hadlay markuu goodinayey wuxuuna yiri Ismail ”Kadib shakigii ay ka qaadeen reer Muqdiso DR Gaas ayaa gabayadii uu ka soo amaahday abwaan Saahid Qammaan oo u gabyayey rag tolkiis ah oo ay is hayeen, waxa suuragal ah in DR Gaas gabaygaa goodinta ah ku bedelo heesa jacayl ah oo uu u qaadayo villa Wardhiigleey dabcan DR Gaas ma yaqaano af Hindi oo heesaha Hindiga ee calool jileeca waa ku adagyhiin laakiin waxa uu ku bedeli karaa kuwa Banaadiriga oo aan xaga calool jileeca waxba ka dhicin Hindiga sida heesta dhahaysa: ” Waan Gaboobee gacal maan ka gaaraayee”

50

 

WQ Ismail Adam Dirie.

Xigasho:- https://www.facebook.com/ismail.dirie.3

Editorail Office

Puntlandfes.com

info@puntlandes.com

About The Author