Gaalkacyo: HomboboroFc Vs Somtel FC, oo kulankii ugu horeeyey ee Heer Puntland ku yeeshay Gaalkacyo.

2 Sept 2016 (Puntlandes) Magaaladda Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka dhacday Ciyaar la sugayey, taas oo ay isaga horyimaadeen, labada kooxood ee Homboboro Fc iyo Somtel.

Biloowgii ciyaarta ayaa waxaa gool ku laad helay kooxda Somtel, kadib Kkalad uu galay difaaca kooxda Homboboro, taasoo oo uu bad baadiyey Gool hayaha kooxda Homboboro.

Daqiiqado ka dib ayaa waxaa gool la hormartay kooxda Homboboro Fc, oo uu u dhaliyey Nuuradiin Ladane, oo ka mid ah Difaacyada kooxda, mar uu madax la helay banooni ka yamid, saaxiibkiis Maxamed Faarax, oo maata ahaa mishiinka Garoonka, sidaas ayeyna ku noqtay Homboboro 1-0 Somtel.

Isla qaybtii koowaad ayaa Kooxda Somtel waxaa ay ka faa iidaysattay fursad ay sameeyeen ciyaaryahanadeedu, waxaana gool u dhaliyey Maxamed Jaamac, oo ka tirsanaa weerarka Kooxda Somtel.

Markii ay Ciyaartu soo gabagabowday ayaa waxaa ka hadlay madax kala gadisan, oo ka kala socotay xiriirka Gobolka Mudug, Wasaaradda iyo Kooxaha wada ciyaarayey, kuwaas oo amaanay hanaanka ay haatan wax u socdaan, oo la doonayo in sportiga lagu horumariyo.

C/casiis Sh.Yuusuf (Xaarin) ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay maanta kooxuhu horumar cusub sii samaynayaan, waxaana uu yiri “Kooxdaan mudda Toban iyo dhowr sano ah ayaan gacanta ku haynay, maantana farxad ayey noo tahay in aan arkayno iyada oo madaxdii ciyaaruhu joogaan kooxuhuna horumar cusub ay higsanayaan, waana idin la shaqaynaynaa oo dadaalkeenii waan sii wadaynaa”

Muuse Nuur yare oo ah madax suuqgaynta iyo iibka Gobolka Mudug ee Shirkadda Somtel, ayaa goonta ka hadlay oo hanbayeeyey ciyaarta iyo sida ay u socoto, sidoo kalan la hadlay ujeedka ay shirkaddu ka leedahay kooxdaa.

“Shirkadda Somtel waxaa ay markasta doonaysaa wixii bulshada waxtaraya, iyada iyo shacabakana ay dani ugu, ujeedkeenu waa in aan dhalinyarad caawino, siloohelo dhalinyaro Fiyoow oo ka hufan, kana shaqeeya wanaaga, waana qayb ka mid ah Saami celinta Bulshada ay u samayso Shirkadda Somtel”

Ugu danbayntii ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay Jawidagan iyo bar baro 1-1 ah, waxaana la dhur sugayaa, waxaa iyagauna sidoo kale 1-1 ku dhamaatay ciyaarta Qardho City iyo Garoowe City.

Xafiiska War qabadka Puntlandes
Gaalkacyo-Puntland

Sawirro.

IMG_4643 IMG_4645 IMG_4656 IMG_4657 IMG_4658 IMG_4705 IMG_4826 IMG_4865 IMG_4937 IMG_4954 IMG_5004 IMG_5021 IMG_4800 IMG_4805 IMG_4928 IMG_4948 IMG_4994

22 23 24

About The Author