Xog-Cadayn: Xaalufinta Kalluunka Baddeena iyo Asixinta” Heshiiskii” Yeman iyo Jabuuti ee Shirkii Golaha Wasiirada

130

Xukuumada uu madaxda ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa shirkeedii Golaha Wasiirada ee Khamiisleha ahaa ku faafisay 18 kii Sebtember 2014 in ay ka doodeen ansixiyeena ”Heshiiska” ay shacabka reer  Puntland xog badan ka hayn oo ay xukuumada uu hogaamiyaa Gaas  la gashay wadama Yemen iyo Jabiuuti.

Halkan ka eeg sawirka warsaxaafadeedka xukuumada

242

 

167

Guud ahaan shacabka reer Puntland iyo gaar ahaan inta xiisaysa ama ku noolba Khayraadka Badda ee dalkeena waxay mudan yuhiin in loo faahfaahiyo waxa Xukuumadu kula heshiisay Yemen iyo jabuuti. Waana waajib datuuriyan ah in ay Xukuumadu sahacabka u soo bandhigto cida ay la heshiiso? waxa ay kula heshiisay? Inta uu soconayo Heshiiskaas? Cadadka kalluunka ay jilaabanayaan maalintii, bishii …? Waxa ay Xukuumada Gaas ku bedelatay heshiiskaas? Meelaha ay ka Kallumaysanayaan?

Yemen waynu naqaanaa oo waa dad ku nool bada waxay horay u soo Xaalufiyeen baddooda. Fariisana mayaa in ay teenana xaalufiyaan maahee!! Laakiin waxaa in la iswaydiiyo mudan Jabuuti Heshiiska ay Xukuumada Gaas la gashay waxa  uu ku salaysan yahay? Warbaahinta caalamiga ah ee Puntlandes oo xogwaraysatay Khuburo u kuurgala arimaha Geeska Africa  ayaa waxay u sheegeen in ay Jabuuti Dulaal tahay shirkado shisheeye oo raba in ay baddeena boobaan. Taasina xaqna maaha lamana yeeli karo.

Hadaba Xukuumada Gaas iyagoon haba yaraatee wax faahfaahin ah ka bixin Heshiiskaas ayey Khamiistii 18 ka sebtember 2014 soo saareen in ay ka doodeen ”Heshiiskaas” ansixiyeena.

Dhinaca kale waxaa loo soo dusiyey Warbaahinta Puntlandes in ay jiraan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Dr Gaas oo faraha sifo aan shaci ahayn ugula jira Khayraadka dhex ceegaaga Baddeena. Iyagoo muraadkoodu yahay in ay lacag deg dega ka sameeyaan. Waxayna kala yihiin Wasiiradaas Wasiirka Maaliyada iyo Kan Kallumaysiga.

Isla asbuuca ay Golaha Wasiirada ansixinayeen ”Heshiiskaas” waxay joojisat dowlada Puntland in Kalluumaysatada reer Puntland jilaabtaan Aargoosatada, ka akhri halkan faahfaahin. iyagoo qiil ka dhigay in ay yareynayaan Kaluumaysiga Sharci darada ah, waa yaab.

Waxay warbaahinta Caalamiga ah ee Puntlandes idiin soo gudbinaysaa Dukumintiyo cadaynaya qaar ka mid ah ruqsadidii ay bixisay Wasaarada Kalluumaysiga iyagoo ay siisay Shirkado Kuuriyaan ah oo aan beerna reebay. Heshiiskaas maaha mid sifo sharci ah loo baxshay. Maalinkiina waxay jilaabanayaan ugu yaraan 200 tan oo kallunkeena ah. Waxay wataan qalab aan waxba reebayn iyagoo aysan jirin cid ku koontaroolaysa waxa ay samaynayaan. Waxaan ugu halisaysan ogolaanshaha 200 tan iyo koontarool la’aanta maxaa yeelay waa adoo lagu yiri 200 tan oo Hilib ah qaado soow ma qaadateen 200 tan oo jiirka inta ugu fiican ah inta kalena ma qubteen haddii aysan jirin cid kugu koontaroosha oo ku tiraahda duuduud u qaado.

Halkan ka akhri Dukumintiga

69a

70a

71a

 

Waxaan kaloo Warbaahinta Puntlandes idiin soo gudbinaysaa dukumintiyo kale oo ku saabsan sida ay dowladeenu u ogolaatay in loo Xaalufiyo Baddeena sida ay u ogolaatay in xasan Culusoowga Villa Wardhiigleey uu u kala daadiyo Puntland.

Kala soco mawduuna Kalluunkeena ku saabsan Puntlandes

 

Puntlandes.com

info@puntlandes.com

About The Author