Jaamacaddii Isbitaalka weyn oo dib u furantay.

Agaasimah Isbitaalka weyn, ahna Madaxa Kuliyadda caafimaadka ee Isbitaalka. Sab,sep,3,2016, @puntlandes, Galkacyo

Agaasimah Isbitaalka weyn, ahna Madaxa Kuliyadda caafimaadka ee Isbitaalka. Sab,sep,3,2016, @puntlandes, Galkacyo
Agaasimah Isbitaalka weyn, ahna Madaxa Kuliyadda caafimaadka ee Isbitaalka.
Sab,sep,3,2016, @puntlandes, Galkacyo

Madaxa isbitaalka weyn ee Gobolka Mudug ayaa maanta kulan la yeeshay Ardayda cusub ee Jaamacadda Isbitaalku ay qaadatay iyo kuwii ay waxbarashadu u socotay.

Madaxa Kuliyadda Caafimaada ee Jaamacadda Isbitaalka (PUSTECH), Dr.Max’ed Xuseen ayaa sheegay in uu burburay dhismihii Kuliyadda oo Isbitaalka ku dhex yaalay, balse aysan joojinayn waxbarashadii oo ay sii isticmaali doonaan Qaybaha kale ee Jaamacadda iyo Isbitaalka gudihiisa.

Qaar ka mid ah macalimiinta Jaamacadda oo iyaguna kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in howsha awalba u soo taagnaayeen walina ay yihiin madaalayaan aan joojinayn.

Ugu danbayntii waxaa maanta Sabti,3,Sep,2016, si rasmi ah u bilowday sanad dugsiyeedkii cusbaa oo laga cabsi qabay in uu baaqdo, maadaama ay gabi ahaan bur burtay xaruntii wax barasha caafimaad ee Isbitaalka.

 

Xafiiska war Qabadka Puntlandes.com

Gaalkacyo-Puntland.

About The Author