Dhagayso-Sawirro: Guddiga Doorashada Dadban ee Puntland oo Xarunta PDRC Garowe ku qabtay Kullan xogg is waraysi & Iftiimin ah
4 sept 2016 (Puntlandes) Kulan is xog waraysi, Iftiimin hanaanka iyo Habraaca Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya 2016-ka looga hadlay ayaa maanta lagu qabtay xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Puntland ee PDRC ee Magaalada Garoowe.
Kulankaan ayaa waxaa si wada jir ah u soo qabanqaabiyey Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka dadban ee heer Puntland (GDGHDD) iyo xarunta Cilmi Baarista iyo Horumarinta Puntland ee PDRC waxaana kasoo qayb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, odayaal dhaqameed, Haween iyo dhalinyaro.
Intuu kullanku socday waxaa lays dhaafsaday su,aalo ku saabsan sida loo soo xulayo 51 xubnood ee soo dooranaya Xildhibaanada iyo shuruudaha laga doonayo.
Gudoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka dad badan ee heer Puntand Nabadoon Khaliif ow Cali ayaa sharaxaad ka bixiyey sida 51 xubnood iyo shuruudaha laga doonayo ,sidoo kale wuxuu tilmaamay in 30% lagu heshiiyey in la siiyo Haweenku , taaso u dhiganta 16 xubnood, isagoo cadeeyey in aysan qaban doonin cidii aan shuruuda so buuxin.
Gudoomiye ku xigeenka PDRC Cali Faarax ayaa sheegay in muhiimada kullan uu yahay sidii loo iftiimin lahaa wixii ,mugdi ku jiro, islamarkaana laysku xog waraysan doono.
Shiikh Maxamud Xaaji ayaa fariin udiray Guddiga Doorashooyinka wuxuna tilmaamay in amaanada ay u qaadaan bulshada Soomaaliyeed siday tahay uga so baxaan, guddiguna uu ka shaqeeyo masiirku umadda Soomaaliyeed.
Xaliimo Xali Biyood oo kamid ah Haweenka Garowe ayaa dhankeeda guddiga u jeedisay inay ka dhabeeyaan in Haweenku helaan qontada la siiyey oo ah 30% boqolkiiba , haweenkuna dhankooda ay booskaad gaynayaan qof kasoo bixi karta.
Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli billaha soo socda la filayo in dalka ay ka dhacdo doorasho, waxaana horay logu heshiiyey in bisha Octobar dowladda hadda jirta ku egtahay.
Dhagayso Warbixin ku saabsan Kullankaas
Puntlandes.com