Daawo Video: Cabdi Shire Jaamac Ciyaar-jecel oo Xildhibaanimo isaga Sharaxay Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug Puntland

5 sept 2016 (Puntlandes) Waxaa Booqasho ku tagay Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug Puntland  wafdi balaaran oo ay hogaaminayeen Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Gobolada ee Puntland Bashiir Xaaji Cabdiraxmaan iyo Cabdi Shire Jaamac Ciyaar-jecel oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFS ee waqtigiisii dhamaaday iyadoo halkaasi si wayn loogu soo dhaweeyey.

230-6e2

Xildhibaanim Cabdi Shire ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Xilka Xildhibaanka Degmada Saaxo ee Gobolka Mudug Puntland, isagoo halkaas ka balan qaaday inuu wax wayn u qaban doono Kana shaqayn doono Horumarinta Degmada Saaxo Gobolka Mudug Puntland.

Dhanka kale Degmada Saaxo ayaa samaysay Horumar aad u balaaran intii madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu u magacaabay Degmada.

Puntlandes.com

About The Author