Cadayn-Fadeexad: Madaxweyne Gaas oo la saftay Wasiirkiisa Xaalufinta Kalluunka Baddeena

130

Ka dib markii ay qaylodhaan iyo cabasho xoog leh ay ka yeertay Kallumaysatada reer Puntland ayaa Wasiiru Dowlaha Wasaarada kaluumaysiga, Cabdiraxman Kulmiye,  ee Xukuumada uu hogaaminayo Dr gaas oo gudana waajibaadkiisa dastuuriga wuxuu u qoray warqad dowlad Kuuriya. Warqadaas oo ku saambanayd 4 markab oo Kuuriyaan ah oo Xaalufinayey Baddeena, isagoo  yiri haddii aanu wax ka qaban cabashada Kallumaysatadaya waxay khalkhal gelinaysaa Amniga.

Halkan ka eeg warqadii uu qoray wasiirul dowlaha Kallumaysiga Puntland

68a1

68

Hadaba waajibkaas uu gudanayey Wasiiru Dowlahaas kama farxin Xukuumada uu ka mid ahaa ee Gaas hogaamiyo Khaasatan Wasiirka Kalluumaysiga. Waxaana warqad kale u qoray Kuuriya uu ku burinayo warqadii Wasiiru dowlaha Wasiir ku xigeenka Wasaarada kalluumaysiga  Maxamuud Maxamed Cali (Gabax), warqadaas oo uu qalinka gadaal ka hayey Wasiirka Wasaarada kalluumaysiga Cabdi Nuur  Cilmi Maxamuud Bindhe. Iyadoo looga dhigay wax aan jirin warqadii ka tarjumaysay xaqiiqda jirta oo uu qoray Wasiiru Dowlaha Wasaarada kaluumaysi, Cabdiraxman Kulmiye. Kuuriyaankii ayaa ku wareeray oo garan waayey labada warqadood miday raaci lahaayeen oo saxda ah.

Halkan ka akhri warqada Wasiir ku Xigeenka

66

Markay halkaas maraysay ayaa waxaa soo farageliyey madaxweynaha Puntland Dr Gaas isagoo u hiiliyey sharcidaradii, boobkii, xaalufintii baddeena, musuqmaasuqii iwm. Gaas ayaa warqad u qoray dowlada Kuuriya uu ku cadeeyey cida uga wakiilka ah Arimaha Kalluumaysiga in uu yahay wasiirka Kalluumaysiga oo kaliya  ayna qashinqubka ku ridaan ama tuuraan warqadii uu qaray Wasiiru Dowlaha Wasaarada kaluumaysi, Cabdiraxman Kulmiye.

Waa in lala xisaabtamaa Xukuumadan haddii kale wax ay ka Kalluumaystaan ´kama helidoonaan Baddeena jiilasha soo socda

Halkan ka akhri warqadii madaxweyne Gaas uu ugu hiiliyey xaalufinta baddeena

67

 

Puntlandes.ocm

info@puntlandes.com

About The Author