Gaalkacyo: Galmudug iyo Puntland oo kulan xasaasi ah ku yeeshay garoonka Diyaaradaha C/lahi Yusuf (Warbixin)

Kulana gaar ah oo aan horay loo shaacin ayaa dhex maray Saraakiil ka kala socota Puntland iyo Galmudug, waxaana looga hadlayey arimaha maanaka.

Kulankaan ayaa waxaa uu ka dhacay Garoonka diyaarada C/lahi Yusuf, waxaana hadlay arimaha amaanka Gobolka, waxaanaad looga dooday sidii looga wada shaqayn lahaa xasilinta magaaladda Gaalkacyo, iyada oo ay jiran arimo badan oo khatar ku ah amaanka.

Inkasta oo uu kulankaani ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin, misan ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in si weyn looga doodayey falalka amaanka ee Gaalkacyo kusoo noq noqonaya, waxaa kale oo looga wada hadlayaa dhul ay Galmudug ka dhisay say saldhig ciidan oo markii danbe ay bur buriyeen dadkii dhulkaas lahaa oo kasoo jeeda Puntland.

Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xili ay maleesho Galmudug ahi, dadku laayeen magaaladda Gudaheeda, iyada oo ay baadiyahana kuwo kale ku laayeen, taas oo kici say xiisada cusub iyo dhiilo colaadeed.

Inkasta oo uusan ka qayb galin Shirka, misana kulankaani waxaa uu kusoo aadayaa, xili uu madaxweyne Gaas ka dhoofayey magaaladda Gaalkacyo, kaas oo kusii jeedada, Muqdisho.

Kulanka oo wali socda, ayaan ilaa hadda loo ogolaan in ay saxaafaddu ka qayb gasho, hase yeeshee waxaa laga yaabaa in madaxda heer dagmo iyo heer gobol ay kahadlaan, natiijada kasoo baxda kulkaan Albaabadu u xiranyihiin.

About The Author