Gaalkacyo: Wasiirka ganacsiga Puntland oo si’adag uga hadlay go’aakii Gaalkacyo (Dhagayso-shir jaraa’id).

Wasiirka Ganacsiga Puntland Dr.C/wali Xirsi, oo saxaafadda Kula hadlaya C/layusuf International Airport (Isniin,5,sep,2016. Pic: Puntlandes-Gaalkacyo
Wasiirka Ganacsiga Puntland Dr.C/wali Xirsi, oo saxaafadda Kula hadlaya C/layusuf International Airport
(Isniin,5,sep,2016. Pic: Puntlandes-Gaalkacyo

5 sept 2016 (Puntlandes) Wasiirka wasaaradda Ganacsiga Dowladda Puntland Dr. C/wali Xirsi Indhaguran, oo maanta saxaafadda kula hadlay, ayaa waxaa uu ka war bixiyey safaradii ay wafdiga madaxweynuhu ku tageen dalka dibaddiisa, kuwaas oo arima muhiim ah xan baarsanaa.

Wasiirka ayaa sheegay in ay dalalka ka wada hadleen sidii Puntland loo maal gashan laha, maadaama ay haatan ka baxday, xiligii la taakulaynjiray, ee ay doonayso in iyada lamaalgashado, si loogu soo shaqo tago.

Wasiirka oo ay wakaaladda Puntlandes waydiisa saamaynta go’aanka Puntland ku mamnuucday gadiidkii isaga gooshayey Puntland iyo gobolada kale, ayuu wasiirku sheegay uu Amaanku markasta ka horeeyo ganacsiga, aysanna raali ka ahayn wax kasta oo amaanka khatar ku ah.

“Amaanku maahan wax yaabaha gor gortanka gala, mana dhici doonto gaari aan amaan ahayn oo Puntland iska gala iskana baxa” ayuu yiri wasiir indha guran.

Dhagayso Codka Wasiirka.

About The Author