Dagaari: Ciidankii Galmudug oo kala qaybsamay iyo Gaadiid dagaal oo dagaari soogaaray
5 sept 2016 (Puntlandes) Deegaanka dagaaro oo koofur ka jirta magaaladda Gaalkacyo, masaafo ahaano u jirta 30km, ayaa waxaa soo gaaray, daadii dagaal oo ayleedahay Galmudug, kuwaas oo disa la sheegay ku wajahan Gaalkacyo, si ay qayb uga noqdaan xiisad ay muddooyinkaan Galmudug halkaas ka waday.
Sida ay nooxaqiijiyeen gadiidkaan ayaa waxaa uu ka mid ahaa gadiidkii ay Dawladda Federaalka Soomalaiya Siisay ciidanka Galmudug, waxaana ay arintaasi horseeday in ay ciidanka dhexdiisu isku qabsadaan gaadiidkaas, iyada oo qayb ka mid ah ciidanku diideen in ay qayb ka noqdaan, xiisadaa Gaalkacyo.
Kala qayb sanaantaan ayaa waxaa ay kaliftay in ay isku dhacaan labadii dhinac ee ciidanka, iyada oo ugu danbayntiina uu ka dhashay khasaare nafeed sida uu noo xaqiijiyey, mid kamid ah dadka deegaankaas.
Ciidankaan gaadiidka dagaal watta ayaa kusoo aadaya, Iyada oo magaaladda Gaalkacyo maalmahaan ay ka taagnayd xiisad colaadeed, ayna tiro weeraro ah sooqaadeen ciidanka Galmudug inakasta oo aan laga jawaabin, waxaana intaas weheliya iyada oo uu maanta shir u furmay madax ka tirisan Galmudug iyo Puntland.
Waxaa kale oo la isla dhex marayaa in uu xiro xiriir ka dhexeeya dagaalka maanta ka qarxay Bariga Mudug iyo gadiidkaan, dadka qaar leeyahay qayb ka mid ah gaadiidkii dagaari oo Saaka ka jarmaaday aagaas ayaa Halkaas gaaray oo weerarka qaaday.
Xafiiska wararka
Puntlandes-Gaalkacyo