Dhagayso: Afhayeenka Gobolka Mudug ee Dowlada Puntland oo jawaab adag siisay Cabdi Qaybiid

130

Afhayeenka Gobolka Mudug ee Dowlada Puntland ayaa jawaab adag ka bixisay hadal kaso yeeray Hogaamiye  Xaafadeedka Baraxleey ee ku taal darfka  magaalada Gaalakcyo Cabdi Qaydiid,isagoo hadalo goodin ah saxaafada u mariyey dowlada Puntland.

 

Afhayeenka Gobolka Mudug ee Dowlada Puntland Cabdi Naasir Bedel Khalaf ayaa sheegay in Gen. Qaydiid uu waligiis Dalxiis iyo shaqo u iman jiray Puntland,aysana jirin cid u diiday,isagoo dambi ka galay shacabka reer Puntland.

 

Puntland ayaa sheegtay in wannaaga ay u samaysay Cabdi Qaybiid uu ka qaaday Fasahaad,uuna horseed u yahay Colaad ka dhacda Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Cabdi Naasir Bedel Khalaf ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha ay diidan tahay Puntland wuxuu yiri ‘’Waxay Puntland diidan tahay Hub kaso daga Koonfurta Gaalkacyo oo Dhulka Puntland ah,ee Puntland ma diidana inuu si shaqsiyan ah u yimaado inuu Beerlaxawsado ma aha Madaxweynaha Federaalka iyo Beesha Caalamka,beesha caalamka iyo Madaxweynaha Federaalka ma Dhulkayaga ayay nala maamulaan,maamul baan nahay sharci ah oo Caalamku aqoonsan yahay’’.

‘’Waxaan dadweynaha Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed  u cadaynaynaa markuu ku fashilmay Maamul Goboleedkii BEENTA AHAA,uusan Dhul iyo deegan uusan lahayn uu doonayo inuu xaafad kaga noqdo Madaxweyne,isagoo Dastuurka Federaalka hareermaraya,oo uu doonayo Ehlu Sunna Dhulkay u dagaalameen ee Dhiiga ay hureen inuu qaato,oo uu doonayo walaalaheen Ximan iyo Xeeb ee aan saaxiibka nahay degmooyinka ay gacanta ku hayaan sheegto,iyaga oo hadda halkaan u ku dhibaateeyay oo takooray oo yiri Maxaad Ganacsiga nooga hormarteen oo halkaa lagu laayay Beesha Saleebaan’’Ayuu yiri.

 

Afhayeenka Gobolka Mudug ee Dowlada Puntland  waxa uu ka hadlay colaada uu Madaxweynaha Villa Wardhiigleey ka hurinayo Gobolka Mudug wuxuuna yiri ‘Madaxweynaha Soomaaliya ayuu heshiis kula galay Hubkii Beesha Caalmku bixisay oo Soomaali in lagu Difaaco loogu talagalay oo amaanka Soomaaliya loogu talagalay inuu Ciisalay uga raro,oo Balidoogle uga raro,oo Nambar 50-uga raro,maadama Amisom aysan Garoomadaa Gacanta ku hayn,isagoo Hab beeleed Madaxweynaha Soomaaliya uu rabo inuu ku taageero,iyada oo Madaxweynaha Puntland uu horay u sheegay inuu Cabdi Qaydiid uu yahay Gardaro Garab og,oo Dolwada Federalka garab ka helaya si Gobolada dhexe dagaal looga bilaabo’’

 

Gabagabadii Dowlada Puntland ayaa waxay baaq u dirtay Beesha Caalamka,kaasi oo ay ku ogaysiinayso dagaalka Xassan Culusoow  uu ka waddo Puntlands‘Madaxda Amison,IGAD,Qaramada Midoobay,Beesha Caalamka iyo Aduunwaynaha daneeya amaanka Soomaaliya aan u cadaynaynaa inuu Madaxweynaha Soomaaliya uu dagaal ka waddo Mudug,Cabdi Qaybdiidna uu u Wakiishay,maamada shir loo balamay,oo ay ogaadeen in Federaalku aysan gar ku helayn shirka Puntland iyo Federaalka ayay talaabadaa qaadeen.

 

Halkan ka dhagayso Cabdi Naasir Bedel Khalaf

Puntlandes.com

About The Author