Sawiro: Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la kulmay Agaasimaha guud ee Hay’adda FAO Ee UN-KA Soomaaliya

130

Garowe (Pes): Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta xafiiskiisa Madaxtooyada Garoowe kula kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Dunida ee FOA Rudi Van Aaken iyo Sidoo kale Madaxa FAO ee Puntland Maxamed Salax Al-sudani.

Kullanka ayaa mudadii uu socday waxaa looga hadlay Qodobo Muhim ah oo ay kamid ahaayeen:-

1:Dar Dar galinta Mashaariicda Horumarineed ee ay Hay’adda FAO kawado gudaha Puntland, iyo sidoo kale mashaariic ay ka mid yihiin Kalluumaysiga,Daweynta Xoolaha iyo Waliba Talaalka .

2: Suuqyada Kalluunka, Xoolaha Hagaajinta Jidka isku Xira Eyl iyo wadada dheer ee laamiga.

3: Dhisida Xarumo loogu talagalay in la dhigo Talaagadaha lagu Qaboojiyo Kalluunka .

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Rudi Van Aaken ayaa isku afgartay in mashaariicdan lagu dhameeyo mudo kooban,si ay u noqdaan mashaariic ay ka faa’iidaystaan Shacabka Puntland.

DHAMMAAD-

248

249

 

250

 

Puntlandes.com

About The Author