Sawirro: Hay’ada FAO Gaari qaboojiye leh oo ay leedahay Warshada qaboojinta kaydka & Barafka ee Tooxin

9 sept 2016 (Puntlandes)Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 8 Sept 2016 ay Hay’adda FOA ku wareejisayWasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland Maxamuud Maxamed Cali Gabax Gaari nooca qaboojiyaha ah oo ay leedahay Warshadda Qaboojinta, Kaydka iyo Barafka ee Deegaanka Tooxin oo ka tirasan Degmada Bareeda ee Gobolka Gardafuu puntland .

Gaarigan nooca qaboojiyaha ah ayaa loogu talagay Horumarin iyo kor uqaadida wax soosaarka Khayraadka Badda, iyadoo ay u sahlayso in lasoo gaarsiiyo Kalluunka magaaloyinka waawayn iyo deegamada ayyan soogaarin wax soosaarka Khayraadka Badda

Waxaa la filayaa inuu Gaarigan Qaboojiha ah uu wax ka badeli doona  ama uu sare u qaadi doono Wax soosaarka Bulshada Deegaanka Tooxin ee Degmada Bareeda Gobolka Gardefuu.

Deegaanka Tooxin ee Degmada Bareeda Gobolka Gardafuu ayaa ku yaala meel hodan ku Khayraadka Badda oo ah meesha isku xirta Bada Cas iyo Bada Waynta Hindiya.

230-b
230-8b1

230-8b2

230-8b3

230-8b 230-8b9

230-8b4

230-8b5

230-8b6

230-8b7
Puntlandes.com

About The Author