Sawiro: Garowe oo lagu soo dhaweeyey Suldaanka Guud ee Warsangali

Garowe(Pes) Magaalada Garowe ee Caasimada dowladda Puntland ayaa waxaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo ah suldaanka Guud ee Beel weynta Warsangali .

Suldaanka iyo waftigiisa ayaa waxaa Magaalada Garoowe meel qiyaastii ujirta 22-KM uga Hortagay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ,Wasiiro ,Xildhibaano, Maamulka Gobolka Nugaal, Waxgarad, Cuqaal iyo Dadwayne kale kuwaasi oo si diiran usoo dhaweeyey Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

 

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Cuqaashi iyo Nin Garboodki la socday ayaa loo galbiyey Aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

Halkan ka daawo sawirada soo dhawaynta Suldaanka
251

252

253

254

255

256

257

258

260

261

262

263

264

265

 

Puntlandes.com

About The Author