Maxaa lagu Xasuustaa Xasan Sheekh madaxweynihii hore ee Xilkiisii dhamaaday?
10 sept 2016 (Puntlandes) Waxaa Doorasho ka dhacday Iskuulka Booliska ee Gen Kaahiye ee Caasimadda Muqdisho 10kii sept 2012kii ay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu doorteen madaxweynaha JFS ee 4ta sano ee socota Xasan Sheekh, iyadoo ay dawladaasi lahayad Waajibaad cad si Soomaaliya loogu soo dabaalo Nabad, dawladnimo iyo doorasho hal qof iyo hal cod ah oo dhacda 10ka sept 2016ka.
Balanqaadkii ay Xildhibaanada DFS ku Doorteen Xasan Sheekh ayaa ahaa 6 Tiir oo uu Baarlamaanka hortiisa ka balan qaaday, hoos ka daawo Qudbadii uu Baarlamaanka ka jeediyey Musharax Xasan Kheekh 8dii sept 2012kii kaasoo aan waxba ka fulin.
Halkan hoosana ka daawo Doorashadii iyo Khudbadii uu ka jeediyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh maalinimo Isninn ah 10kii sept 2012 iyadoo 4 sano oo ku ekayd shalay 9kii sept 2016, waxaa xusid mudan sidii uu madaxweynihii ka horeeyey ugu wareejiyey xilka.
Maxaa laga sugayey inuu qabto madaxweyne Xasan Kheekh 4ta sano ee uu xilka hayo?
- Inuu dalka inta ay Alshabaab ka taliso uu ka xoreeyo
- Inuu Dalka Xasiliyo
- Inuu dalka ka hirgaliyo Federaalkii lagu heshiiyey kuna cad Dastuurka uu ku dhaartay
- In la dhamaystiro dalkana laga hirgeliyo Dastuur la wada leeyahay
- In la tiro koobo dadka Soomaaliyeed
- In Afti loo qaado Dastuurka
- In dalka laga abuuro dawlad wanaag
- In lala dagaalamo Musuqmaasuqa la degay Soomaaliya
- In la dhiso Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed
- In la dhiso Boolis Federaal
- In dalka laga qabto Doorasho 10ka sept 2016 hal qof iyo hal cod ah
Maxaa ka hirgalay Shaqadii laga sugayey inu Xasan Sheekh qabto?
- Alshabaab sidii ayey dalka qaybo ka mid ah uga talisaa, ugu laysaa shacabka Soomaaliyeed.
- Kuma uusan Guulaysan Xasan Sheekh inuu dalka Xasiliyo
- Xasan Sheekh wuxuu la dagaalamay waqtigiisa badankiisna uu geliiyey inuu la dagaalamao Federaalka inuu Soomaaliya ka hirgalo: wuxuu si toos ah ula dagaalamay kana horyimid dhismihii Jubaland, kii KGS isagoo ka shaqeeyey inaysan dhismin dawlad goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, wuxuu si aan Dastuurka waafaqsanayn ku dhisay Galmudug oo ka kooban Gobol iyo bar.
- Dhamaystirka Dastuurka, Tirokoob iyo Afti u qaadida Dastuurka iskuma uusan dayin xataa
- Musuqmaasuqa Soomaaliya waa uu laba jibaarmay 4tii sano ee uu xilka hayey xasan Sheekh.
- Xasan sheikh waxa uu si cad u horjoogsaday in la dhiso Ciidan Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Boolis Federaal ba isagoo Ciidan Soomaaliyeed ku tilmaamay Qoyskiisa diidayna in la dhiso Ciidan Soomaaliyeed.
- Ugu dambayna wuxuu lasoo Shirtagay Doorasho dalka kama dhici karto ee aan isticmaalo habka Qabaliga ahaa ee Foosha Xumaa ee 4.5
Maxaa lagu Xasuustaa Xasan Sheekh intii uu xilka hayey?
Madaxweynihii hore ee JFS waxaa lagu xasuusanayaa ugu horayn inuu yahay madaxweyne Soomaaliya Dayacay oo ka lumiyey 4 sano oo ay haysatay Fursad DAHABI ah.
Warbaahinta Puntlandes oo dib u jaleecday kaydkeeda ayaa waxay u doortay Qodobada soo socda in lagu xasuusan doono Xasan Sheekh:
- Sadex Raysul Wasaare oo uu dalka u magacaabay Xasan Sheekh mudo 2 sano ah.
- La dagaalankii dhismihii Jubaland
- La dagaalankii Puntland si uu u wiiqo Federaalka
- Diidmada in dalku yeesho dawlad la wada leeyahay
- Inuu ahaa in dantiisa iyo Rabitaankiisa oo kaliya ku shaqeeya ee dan ka lahayn dalkii lagu aaminanay
- Ku tumasho Dastuurkii ay ummaddu ku heshiisay
- Qosol Joogto ah…
- Wuxuu ummadda Soomaaliyeed Waqtigii uga lumiyey Raysul Wasaare uu mid kale ku bedelo iyo Federaal la dirir
- inuu balan qaaday inuusan 4 sano ka dib isu soo sharaxayn madaxweyninimo mar kale, kaasoo uu iminka ka baxay!!!
Madaxwynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh waqtigii loo doortay waa uu dhamaystay isagoo aan Soomaaliya waxba u qaban, ”Soomaaliya Soomaali baa iska leh” maanta laga bilaabo Xasan Sheekh waa madaxweynihii hore ee Soomaaliya talada Soomaaliya wuxuu ka yahay Shaqsi muwaadin ah.
Shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintana waxaa looga baahan yahay iyagoo eegaya danta dalka iyo dadka inay soo doortaan madaxweyne cusub inta ka horaysana si KMG ah loogu dhaariyo xilka madaxweynaha Soomaaliya Gudoomiyihii hore ee Soomaalya Jawaari.
Waa in Xeerkii lagu Heshiiyey Shaqeeyaa waana wadada kaliya ee Soomaaliya dawladnimo ku gaari dooni karto, waxaana hubaal ah inuu Xasan Sheekh yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya uuna ahayn madaxweyne laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 10ka sept 2016, maxaa yeelay waxaa waqtigiisu ku ekaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 9ka sept 2016.
Puntlandes.com